4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Cudurka Ebola oo la sheegay inaan la xakameyn karin & cabsi laga inuu faafo

Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee ka howl-galaya wadamada uu ku dhuftay cudurka Ebola ayaa sheegay in cudurkan uu faraha kasii  baxayo, isla markaana la dhaafay xilligii la xakamayn karayay, iyadoo tirada u dhimanaysa ay sii kordhayso.

“Cudurkan waa ka sii darayaa sababtoo ah waxaad ka arki kartaa qaabka uu ugu sii fidiyo dalalka kala ah Siera leone iyo Liberia”ayuu yiri Bart Janssens oo madax ka ah barnaamij mutadawacnimo ah oo lagu yaraynayo kiisaska cudurka Ebola.

“Runtii si dhab ah ayaan uga walacsannahay xaaladda hadda jirta ,hadii aan xal-laga gaarin arintan ,waxaa jiri doonto khatar rasmi ah oo ku fool leh wadamada dariska ah “ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo la hadlayay wargayska La Libre Belgique oo laga leeyahay Belgium.

Qiyaasay 670-ruux aya siyaabo kala duwan ugu geeriyooday cudurkan, waana tiro ka badan intii horey loo diiwan-galiyay sannadkii 1976-kii, markaasoo lagu arkay meelo kamdid ah caalamaka gaar ahaan Congo.

“Fiditaanka xanuunkan aad ayaan uga wal-walaynaa ,waxaan u baahannahay inaan qaadno tallaabooyin dheeri ah oo lagu hubinayo xaaladdan,” ayay tiri  Kristalina Georgieva oo ah madaxa arimaha bini’aadnimada Midowga Yurub oo ka hadlaysay musiibadan .

Ugu danbayntii Midowga Yurub ayaa ugu deeqay wadamada cudurkan lagu arkay lacag dhan $5.2 milyan  ,waxaana loogu tala-galay in lagu taageero u gar-gaaridda goobaha lagu arko kiisas cusub oo xanuunkan la xiriira.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]