4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku Dhawaaqay Qorshe ka dhan ah Al-shabaab

Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhameystireen qorshe ka dhan deegaannada ay kaga sugan tahay gobolka xarrakada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xassan Max’ed Ibraahim (X.Kaafi) ayaa sheegay in la dhameystiray qorshe la doonayo sidda uu hadalka in gacanta maamulka lagu soo celiyo deegaannada ay hadda gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

“Qorshe mudo dheer socday ayaa hadda soo dhamaaday, dhawaan ciidamada waxaa ay u dhaqaaqi doonaan deegaannada ay wali ku harsan yihiin Al-shabaab’ ayuu yiri'' afhayeenka.

Waxaa uu intaa ku darray in ay ka war hayaan go’doominta ay ku jiro Al-shabaab, laakiin dhawaan la soo afjari doono arrintaas.

Xarrakada Al-shabaab ayaa wali koontaroosha deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ka mid tahay degmada Jalalaqsi, kaddib markii horaantii sanadka lagala wareegay  Al-shabaab degmada Buula-burte.

“Maamulka gobolka Hiiraan waxaa uu hadda si buuxda gacanta ugu hayaan afar degmo  oo ka mid ah shanta degmo ee uu gobolka ka kooban yahay, dhawaanna waxaa ay ciidamada ku sii jeedaan degmada Jalalaqsi” ayuu yiri afhayeenka.

Inkastoo degmada Buula-burte ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda ayaa wali shacabka ku dhaqan degmada waxaa go’doomin ku haya Al-shabaab oo maamula deegaannada ku hareereysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya