5/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garbahaareey


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, booqashan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago gobolkaas.

Garoonka degmada Garbahaareey ayaa waxaa kusoo dhaweeyay maamulka iyo shacabka degmada, iyadoo madaxweynuhu uu salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu salaam la dhex-maray shacabkii iyo mas’uuliyiintii kusoo dhaweeyay xarunta gobolka Gedo ee Garbahaareey, isagoo sheegay in booqashadiisa ay xiriir la leedahay sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda gobolka iyo tan degmada.

Ammaanka degmada Garbahaarey ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay ciidan isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana wafdiga madaxweyne Xasan kaga sii horreeyay degmadaas ilaaladiisa gaarka ah ee Soomaalida iyo AMISOM isugu jira.

Waxaa lagu wadaa inuu la kulmo maamulka gobolka iyo kan degmada sidoo kalena uu la kulmo qaybaha bulshada iyo waxgaradka, inkastoo muddada uu joogayo degmada aan weli wax war ah laga hayn.

Wixii kasoo kordha booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/31/2014 4:14 PM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan horay loo sheegin ku tagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, isagoo sheegay in xaalad nolol xumi ah ay soo wajahday dadka ku nool degmadaas, wuxuuna beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah la gaaraan shacabka ku nool degaannadaas.

7/31/2014 2:08 PM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Shir deg-deg ah oo ka dhacay fidnimadii caawa xarunta madaxtooyada Puntland ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu ku shaaciyay in Puntland ay xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya.

7/31/2014 1:47 PM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay galabta yeesheen warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee Somalia looga dhageystay wasiirka amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha ciidamada xogga dalka, booliiska iyo nabad-sugidda.

7/31/2014 1:06 PM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Iyadoo ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ay ku jiraan ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo cudurkan halista ah ee Ebola uu ka dillaacay dad badanna ku dilay, ayaa waxaa arrintan ka hadlashay AMISOM.

7/31/2014 11:43 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay heshiiskii shalay Muqdisho lagu saxiixay ee la doonayo in maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug.

7/31/2014 11:01 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Mahad Cabdalla Cawad ayaa khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay dar-dar-gelinta dimuqraadiyeynta Soomaaliya, iyadoo shirkan ay ka qaybgaleen ergo ka badan 400 oo ruux.

7/31/2014 10:44 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddiga u qaabilsan baarlamaanka Soomaaliya arrimaha dibadda, iyadoo kulankan looga hadlay dib u habeynta safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

7/31/2014 9:21 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya u soo bandhigay qorshaha lagu xasilinayo magaalada Muqdisho.

7/31/2014 8:46 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ay ka jirtay xiisad ka dhalatay xil ka-qaadistii mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada ayaa waxaa ka dhacay maanta shir ay yeesheen xubnihii maamulka ee xilka laga qaaday.

7/31/2014 8:15 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee ka howl-galaya wadamada uu ku dhuftay cudurka Ebola ayaa sheegay in cudurkan uu faraha kasii baxayo, isla markaana la dhaafay xilligii la xakamayn karayay, iyadoo tirada u dhimanaysa ay sii kordhayso.

7/31/2014 8:03 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhameystireen qorshe ka dhan deegaannada ay kaga sugan tahay gobolka xarrakada Al-shabaab.

7/31/2014 5:47 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Iyadoo 28-ka July ee sannad kasta laanta caafimaadka Adduunka ee WHO ay u aqoonsatay maalinta ka-hortagga cudurka cagaar-showga ama Jaundice-ka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay uga digayaan bulshada khatarka uu cudurkaas leeyahay.

7/31/2014 4:55 AM EST
Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa diiday magacaabiddii golahii guurtada ee Bay ay u magacaabeen inuu noqdo sii-hayaha xilka maamulka gobalka Bay, kaddib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka, Cabdi Aadan Hoosoow iyo kii degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.

7/31/2014 3:52 AM EST
Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.