4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo bulshada uga digaya khatarta C. Cagaar-showga


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Iyadoo 28-ka July ee sannad kasta laanta caafimaadka Adduunka ee WHO ay u aqoonsatay maalinta ka-hortagga cudurka cagaar-showga ama Jaundice-ka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay uga digayaan bulshada khatarka uu cudurkaas leeyahay.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah barayaasha iyo aasaasayaasha Jaamacada Banaadir oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu cudurkan ka mid yahay kuwa ugu khatarsan caalamka dilaaga aamusan ah.

“Cudurka cagaar-showga waa cudur dhibaato weyn ku haya caalamka oo dhan, sidaas darteed sannad kasta 28-ka July waxaa loo asteeyay maalinta cagaar-showga adduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi-galiyo khatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer),” ayuu yiri Dr. Dufle.

Sidoo kale, dhakhtarku wuxuu xusay in cudurkan ay keenaan Virus-yo kala duwan, kuwaasoo burburiya unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo ay ka mid yihiin: A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaar-showga A (Hepatitis A Virus – HAV) ayuu xusay inuu yahay nooca ugu badan, uuna sannadkii ku dhaco dad gaaraya 1.4 milyan, isagoo xusay inuu ku badan yahay carruurta iyo dadka waaweyn, isagoo tilmaamay inuu cudurkan mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf-mar ah (Out-break).

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo sidoo kale ka mid ah xubnaha baarlamanka Somalia ayaa intaa ku daray in nooca A (HAV) marka qofka dhiiggiisa galo illaa calaamooyinka kasoo if-baxayaan ay qaadanayso muddo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaasoo uu tilmaamay in qofka saxarada ku gudbin karo cudurkii ama fayruskii. Isagoo yiri. “Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho.”

Dhakhtarka ayaa sheegay in si dadka looga wacyi-geliyo khatarka cudurkan loo baahan yahay in dadku ay fahmaan waxaa keena cudurka, calaamadaha lagu garto, iyo sida looga daweeyo dadka, wuxuuna yiri isagoo arimahaas sharaxaya. Cagaarshowga B waa nooc khatar ah waxaana keena Virus B. Cudurkan wuxuu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Qiyaastii waxaa cudurkaan qaba dad ku dhow laba bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 350 milyan, sannadkiina waxaa u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Nooca B wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiigga qofka fiyow sida: Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%. Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay). Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo. Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo iyo galmada.

Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah, dhalma dhaqameedka, sar-sarmada, toobinta oo qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah: Bukaannada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo. Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis). Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka. Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo 100% ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka. Feyruskan toddoba maalmood ayuu dibadda ku noolaan karaa isagoo waqtigaas uu ku gudbi karo cudurka.

Cagaarshoowga C (Hepatitis C Virus – HCV), waxaa keena Virus loo yaqaan HCV, tirada adduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 illaa 200 oo milyan oo qof; sannad kaste tirada bukaanka cusub uu ku dhaco waa 3 – 4 milyan. Wuxuuna ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Calaamooyinka lagu garto cudurka waxaa ka mid ah: indhaha oo cagaarta, labo-labo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada uu qaadan kari waayo, daal badan, xumad, quun-xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas oo jiri kara 10 ilaa 14 casho.

Dhakhtarku wuxuu sheegay in dabka ay Soomaalidu ku daweyso cudurkan uusan ahayn dawo: isgaoo xusay in cudurka uusan qofka kaga raysan dab lagu dhajiyo gacmihiisa ama boggiisa.

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaar-showga: Prof. Dufle wuxuu sheegay in cawaaqibta dambe ee cudurkan Cagaarshowga nooca B (HBV) iyo C (HCV) ay  halis yihiin iyagoo u gudbaaya nooca raagista yeesha (chronic hepatitis) 50% - 80 %). Nooca beerka adkaada ee biyuhuna galaan (Liver Cirrhosis) 25 % - 30 %) iyo kansarka beerka ku dhaca 20 %  - 25 %.

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga: Ka hortagga cudurkan waxaa muhiim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo iyo in tallaalka nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV) oo la qaato. Qofkuu haleelo  wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota, wuxuuna ka hortagayaa cawaaqibtii dambe cudurka ee aan soo sheegnay gaar ahaan cagaarshowga nooca B (HBV).

Bukaanka ayuu dhakhtarku kula taliyay inuu qaato nasasho dheer oo sariirta korkeeda ah, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 illaa 4 toddobaad ah. Qofku hadduu afka wax ka qaadan karo waa inuu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya