4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Taliyaha booliska gobolka Bay oo diiday inuu si KMG ah u maamulo Baydhabo

Khamiis, July 31, 2014 (HOL) —  Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan Jaamac ayaa diiday magacaabiddii golahii guurtada ee Bay ay u magacaabeen inuu noqdo sii-hayaha xilka maamulka gobalka Bay, kaddib markii xilkii laga qaaday gudoomiyihii gobolka, Cabdi Aadan Hoosoow iyo kii degmada Baydhabo Xasan Macallin Biikole.

Col. Mahad C/raxmaan ayaa sheegey in xil-ka-qaadista maamulka gobalka Bay aysan shaqo ku lahayn odayaasha dhaqanka, isagana aysan si KMG ah xil ugu magacaabi karin, oo howshan ay tahay mid ay dowladdu leedahay.

Shalay gellinkii hore ayay golaha guurtida degmada Baydhabo sheegeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii gobolka iyo kii degmada Baydhabo, kaddib markii ay ku eedeyeen inay hanti lunsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto faragelin dowladda Soomaaliya ay arrintan ku sameysay, waxaana weli aan si toos ah uga hadlin xilalkii laga qaaday guddoomiyihii gobolka Bay iyo kii degmada Baydhabo.

Gobolka Bay ayaa waxaa ka jiray tan iyo sannadkii hore khilaafyo kala duwan oo u dhexeeya maamullo halkaas laga sameeyay, iyadoo dowladdu ay shirk u qabatay Muqdisho, kaasoo la sheegay in labadii dhinac ee isku hayay maamulka Koonfur-galbeed la heshiisiiyay.

Hiiraan Online, Baydhabo