4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Gaadiid ay Somali leedahay oo ku xayiran xadka K/Sudan & Itoobiya
Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Dad lagu qiyaasay in ay gaarayaan afartan ruux oo Soomaali ah ayaa wali ku xaniban xadka u dhaxeeya dalalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya,iyadoo waliba lagala haray gaadiid ay ku ganacsanayeen ka hor intii xiisaduhu aysan ka qarxin magaalada Jubba oo xarun u ah dalka Koonfurta Suudaan.

Soomaalidan oo qaarkood cabashadooda soo gaarsiiyay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiid dhan 24-baabuur oo isugu  jira baabuurta waa weyn ee tareellayaasha iyo isku-rogoda  loogala haray gudaha Koonfurta Suudaan, waxaana loo diiday in ay la soo galaan xadka wadankaas uu la wadaago Itoobiya.

“Colaadaha jira awgood ayaan uga soo dhaqaaqnay goobihii aan ku noolayn, marka baabuurteenna waxa ay wali ku xayiranyihiin meel 25-km u jirta xuduudda Itoobiay waana 24-gaari,” ayuu yiri Sugaal Xasan oo la hadlay idaacadda VOA-da, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay habka loola dhaqmay isaga iyo saaxibadiis.

Waxaa Soomaalidan loo ogolaaday in ay lug ku galaan Itoobiya, balse ay isaga tagaan gaadiidkooda ,taasi oo keentay in qaarkooda aysan ka soo dhaqaaqin halkii lagu xanibay, iyadoo qaar kamid ah Soomaalidaas ay ku jiraan dumar aad u tiro yar.

Xasan Suugaal ma uusan sheegin sababta keentay in loo diido in ay xadka ka gudbaan, waxaana uu xusay in gaadiidka wata taarikada Koonfurta Suudaan gabi-ahaantooda la hakiyay safarkii ay ku tagi jireen wadamada dariska ah sida Itoobiya.

Halka lagu xayiray baabuurtan Soomaalidu  leedahay  waxaa u badan oo dega qabiilka madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadankaas oo ka soo jeeda qabiilka Nuwer,oo ah mucaaradka kaliya ee iminka ku kacsan dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Salva-kiir.

Ugu danbayn, dagaallada ka dhacay Koonfurta Suudaan ayaa saamayn ballaaran ku yeeshay ganacsiyo kala duwan oo Soomaalidu ku haysatay wadankaas,waxaana wali jira darawallo wadayaal ka ahaa gaadiidka  la xanibay oo wali la la’ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]