4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo laga Taageeray Minnesota (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed oo ay ka qayb galeen shacab aad aad u fara badan ayaa lagu qabtay Minneapolis Convention Center ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Khudbado ay goobta ka jeediyeen madax kala duwan sida xildhibaan, Keith Ellison oo laga doorto gobolka Minnesota, duqda cusub ee Minneapolis, Betsy Hodges iyo Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed oo loo doortay xubin guddiga waxbarashada Minnapolis una taagan doorashada baarlamaanka gobolka.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada xafladda, Maxamuud Cabdiraxmaan (beene-beene) ayaa ugu horreyn soo dhaweyn iyo mahadcelin ah u jeediyay dadwaynahii kasoo qaybgalay kulanka iyo waliba intii soo qaban-qaaabisay xafladda.

Xildhibaan Keith Ellison waxuu aad u soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo goobtaa ka akhriyay taariikhda C/weli Sheekh oo kooban sida waxbarshadiisa haamacadeed iyo sidoo kale hay’adahii uu lasoo soo shaqeeayay, wuxuuna sheegay in qofka aqoontaas leh uu yahay qofkii ay Soomaaliya u baahnayd.

“Waan iska rabaa farxadda iyo sacabka waayo kursiga duqa Minneapolis waxaan ku fadhiyaa illaa Tallaadadii dhaweyd” ayay hadalkeeda ku bilowday duqa cusub ee magaalada Minneapolis, Betsy Hodges, iyadoo dowladda iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u rajeysay wanaag.

Dadkii Soomaaliyeed ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahayd Caasho Abuukar Qaasim una hadashay kaalinta haweenka, iyadoo mudane C/weli ka codsatay inuusan illoobin kaalintii dumarka.

Xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan sida heeso, gabayo iyo guurow; waxaana fanaaniitii heesaha soo bandhigay ka mid ahaa: Axmed Cali Cigaal, Cabdi Shire Jooqle, Bashiir Nagara, Xaaji, Sahro Cumar Dhuulle, Sahruuji, Qalanjo iyo abwaan Tallman.


Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota