4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Dab baabi’iyay dawo iyo qalab caafimaad oo ay lahayd Hay’adda MSF

Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Bakhaar ay hay’adda MSF ku kaydsan jirtay qalabka caafimaadka iyo dawooyinka ayaa waxaa baabi’iyay dad ka kacay shalay gellinkii dambe, sida uu sheegay sarkaal u hadlay hay’adda.

Dawooyinkan iyo qalabka ayaa waxaa loogu talogalay in muddo lix bilood ah loogu adeego qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

“Si lama filaan ah ayuu dabku ku kacay, waxaana isku daynay in dabk aan daminno balse waan ku guuleysn waynay qalabka aan haysanno oo aad u yaraa,” ayuu yiri Abuukar Maxamed oo ka mid ah saraakiisha hay’addan oo u warrayay BBC-da.

Abuukar wuxuu sheegay inaysan weli ogeyn sababta dabka dhalisay, balse ay filayaan inuu ka dhashay koronto, isagoo xusay in bakhaarka gubtay uu ahaa keydkii ugu weynaa ee ay xeradaas ku lahaayeen.

“Xilliga uu dabku kacayay waxay ahayd mar shaqadii laga baxay, waxaana bakhaarka ku jiray kaydka ugu badan ee dawooyinka iyo qalabka aan ugu talo-galnay isbitaalka ku yaalla Dhagaxley, waxaana dawooyinkan aanu doonaynay inaan adeegsanno muddo lix bilood ah,” ayuu sakaalku mar kale yiri.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in dawadii ay ugu talo-gleen in bishaan Jannaayo la isticmaalo ay shalay bakhaarka ka bixiyeen ayna ku jirtay dawo ay ugu talogleen inay shanta bilood ee soo socota isticmaalaan.

“Wallaahi waa musiibo, mana ogi sida la yeeli doono, balse wax walba waxay ku xirn yihiin hadba go’aanka ay qaadato hay’adda, maadaama uu gubtay bakhaarkii weynaa ee aan dawooyinka iyo qalabka caafimadka ku kaydsan jirnay,” ayuu kaga jawaabay su’aal ahyd waxay qorsheynayaa mar haddii uu gubtay bakhaarkii kaydka u ahaa.

Hay’adda MSF ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha fara ku tiriska ah ee weli ka howlgala xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaliyeed ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya