4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray baaritanka waxyaabihii keenay shaqo joojintii ay Sameeyeen Booyadaha Biyaha Hargeysa

Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Guddi sagaal xubnood ka kooban oo golaha Guurtiddu dhowaan u saaray inay ka soo warbixiyaan waxa keenay shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen Booyadaha Hargeysa iyo mudaharaadkii ka dhacay koonfurta magaaladda Hargeysa horaantii toddobaadkii hore, ayaa golaha Guurtidda usoo gudbiyey dhinacyadii ay la kulmeen warbixintii ay ka diyaariyeen.

Guddidan xaqiiqo Raadista ee golaha Guurtidda ka kooban,  ayaa ka warbxiyey Rabshadihii ka dhashay shaqo joojintii Dirawaliinta Booyadley Hargeysa in markiiba si dhakhso ah loo xaliyey, isla markaana dhinacyadii ka wada hadleen dib u bilaabinta shaqooyinkooddii ay umadda u hayeen.

“Anagoo gudanayna Waajibaadkii Qaran ee aad noo xil-saarteen inaanu soo baadhno Warbixin sugana Golaha uga keeno waxaanu kulano Xog-waraysi ah la yeelanay Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Maayarka Caasimadda iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, halka sidoo kalana aanu la kulanay Guddi ay leeyihiin Gaadiidka Booyladdu”ayaa lagu yidhi warbixin ay maanta golaha ka hor akhriyeen guddi loo diray inay soo baadhaan waxa sababay rabashada biyo yaraan oo ka dhacday koonfurta magaladda Hargeysa.

Waxaanu intaas ku daray “Masuuliyiinta Xukuumadda ee aanu la kulanay waxay na siiyeen isla markaana noo sheegeen Warbixino Ujeedadoodu iyo sida ay wax u jiraan ay aad iskugu dhow-dhowdahay haddiiba aanay isku mid ahayn”.

Guddidan ayaa markii warbixinadii ka dhagaystay masuuliyiintii ay khuseysay ku taliyey in si biyo jaban oo Booyaduhu helaan loo hello la sameeyo waddo sideed killomitir ah oo isku xidha Geed deeble (oo ah goobta biyuhu uga yimaadaan Hargeysa)  iyo magaaladda Hargeysa oo ah raf Gaadiid dhib ku ah.

“Waxaanu golaha usoo jeedinaynaa   In la hagaajiyo 8 kilomitir ee ka xun jidka isku xidha Geed-deeble iyo Hargeysa si ay Booyaduhu u helaan dariiq ka dhow kan imika ay ka doonaan iyo biyo ka jaban oo Wakaaladu ka iibiso kana nadiifsan kuwa kale”ayey guddida loo xil saaray baadhitaanka waxa keenay shaqo joojinta Booyadaha u gudbiyey gole weynaha Guurtidda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland