4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2014
Codeynta Doorashada Guddoomiyaha & Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiillada Puntland oo Goor-dhow billaabatay (SAWIRRO)


Sabti, Janaayo 04, 2014 (HOL) — Waxaa billaabatay doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Puntland, iyadoo ay xilalkan isku soo taageen xubno kala duwan oo uu ku jiro mas'uulkii horay u hoggaamin jiray baarlamaanka Puntland.

Xilligaan waxaa holka shirarka baarlamaanka Puntland oo ay doorashadu ka socota ku sugan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland, sidoo kale waxaa ku sugan murashaxiinta xilalkan u tartamaya iyo marti sharaf kooban oo lugu casumay.

Waxaa soconaya xilligan khudabadaha ay soo jeedinayaan musharraxiinta u loolamaya xilka afayeenka Baarlamanka shanta sanno ee soo socota haddii Alle qadaro.

Maxamed Xaaji Dirir oo ah wariyaha HOL ee Puntland oo ku sugan goobta uu shirku ka socdo ayaa soo sheegaya in xilalka gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa ay u taagan yihiin 12 xubnood oo shan ka mid ah ay u taagan yihiin guddoomiyaha, shan kalena ay ku xigeenka koowaad u taagan yihiin iyo laba xubnood oo u taagan guddoomiye ku xigeenka labaad.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xubnaha u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka oo shan ah ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: 1. C/rashiid Maxamed Xirsi, guddoomiyihii baarlmaankii hore ee Puntland, 2. Siciid Xasan Shire, 3. Axmed Cali Xaashi, 4. C/xakiin Maxamed Aadan iyo 5. Maxamed Cali Guuleed.

Sidoo kale, xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa u tartamaya shan xubnood oo kala ah: 1. Salaad Xareed Cali, 2. C/risaaq Siciid Ibraahim, 3. C/xamiid Sh. C/salaan, 4. C/qaadir C/salaan Maxamuud iyo 5. C/casiis Siciid Gacmey.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa iyagana u taagan laba xubnood oo kala ah: Xuseen Yaasiin Diiriye iyo Cabdixakiin Macallin Daahir.

Ammaanka magaalada Garoowe iyo xarunta ay doorashadu ka socoto ayaa si aad ah loo adkeeyay. Wixii warar ah ee kusoo kordha HOL ayaad kula socon doontaan.




Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya