3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Maamulka Khaatumo oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Puntland


Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa si kulul u cambaareeyay maamulka Puntland kaddib markii xilal kala duwan loo magcaabay rag ay ku sheegeen dabiilayaal.

Maxamed Yuusuf Jaamac "Indhasheel" oo ku sugan degmada Taleex ayaa ku eedeeyey madaxda Puntland inay ku darsadeen golaha xukuumadda rag uu sheegay inay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen deegaannada Khaatumo ay ka taliso.

Indhasheel wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in aanay waxba ka jirin gogol nabadeed oo uu madaxweyne Gaas horay ugu baaqay in Puntland ay ka taliso nabadda maamullada dariska la ah.

Golaha wasiirrada ayaa waxaa ku jira madaxweynihii u horreeyay Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash” oo loo magcaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose iyo Cabdinuur Cilmi Qaaje "Biindhe" oo isaguna ahaa madaweynihii ugu dambeeyay oo loo magcaabay wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda.

Inkastoo beel ahaan 11 xubnood golaha wasiirrada ee Gaas ay ku leeyihiin iyo 17 xubnood oo baarlamaanka ah haddana dadku waxay hadal hayaan laban mas’uul oo ay ku tilmaamayeen dadka qaarkood inay Puntland uga mid noqdeen baabi’inta Khaatumo, halka qaarna ay ku taageersan yihiin oo in Khaatumo iyo Puntland dib loo mideeyo ay taageero u hayaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
1/29/2014 12:23 PM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed isagoo kala hadlay caqabadaha haysta iyo kaalinta ay dowladdu ka qaadan kaalmo loo fidiyo si kor ay ugu qaadaan wax-soosaarka, waxana ra’iisul wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto wax-soosaarka dalka si dhaqaalaha dalku u soo kabto.

1/29/2014 9:21 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Ciidamada dalka Itoobiya ayaa toddobaadkii hore ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo la sheegay inay ka howlgalayaan gobollada Gedo, Bay iyo Bakool oo ah qaybta saddexaad ee howlgalka AMISOM.

1/29/2014 6:44 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shirkiis ugu horreeyay la qaatay inta badan wasiirrada cusub ee uu shalay magacaabay. Wasiirrada uu la kulmay madaxweyne Gaas ayaa isugu jiray wasiirro ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal.

1/29/2014 6:34 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Madaxda dowladaha ku midaysan ururka Midowga Afrika ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayay magaalada Addis Ababa oo uu ka furmay maanta shirkii 22-aad ee ay isku arkayaan hogamiyayaasha qaaradda Afrika.

1/29/2014 6:31 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaraya gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

1/29/2014 1:47 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku eedeysay dowladda Somalia iyo Al-shabaab inay mas'uul ka yihiin xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida: weerarro aan loo meel-dayin, xadgdubyo jinsi iyo dad si aan kaal sooc lahayn loo qabqabtay loona xiray.

1/29/2014 1:33 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay laba qof oo shacab ah mid kalena dhaawacay, kaddib markii ay rasaas ku fureen gaadiid waday khudaar oo ka yimid deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

1/29/2014 1:12 AM EST
Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada.