4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Madaxweynaha Puntland oo la Kulmay Wasiirrada Cusub (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shirkiis ugu horreeyay la qaatay inta badan wasiirrada cusub ee uu shalay magacaabay.
Wasiirrada uu la kulmay madaxweyne Gaas ayaa isugu jiray wasiirro ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal.

Shirka madaxweynaha waxaa ku wahlinayay ku xigeenkiisa, waxaana lagu sheegay ujeeddada kulanka mid ay isku baranayeen madaxweynaha iyo xubnaa wasiirrada uu magacaabay kuwaada jooga magaalada Garoowe.

Wuxuu ka dhacay shirkan xarunta madaxtooyada waxaan intiisa badan uu ahaa isbarasho labada dhinac dhex-martay iyo dar-daaran uu u jeediyay Gaas wasiirradiisa isagoo ku boorriyay in looga fadhiyo wax-qabad muuqda, taasina ay tahay waxay ka dhawrayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wasiirrada ay muhiim tahay in ruux walba uu kasoo baxo shaqada loo igmada. Iyadoo la sheegay inay dhawaan hortegi doonaan wasiirrada cusub xildhibaannada baarlamaanka Puntland si codka kalsoonida loogu qaado.

Mid ka mid ah wasiirrada cusub oo goor-dhaw la hadlay HOL ayaa sheegay in qorshuhu yahay in maalinka berri ah la dhaariyo golaha wasiirrada, balse aan kulanka maanta looga hadlin arrintaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la faliya maalinka Sabtida ah ee bilowga toddobaadka ina soo aaddan la horgeynayo xukuumadda baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Golaha wasiirrada cusub ee Puntland ayaa ka badalan xukuumadihii horay u soo maray Puntland, waxaana door muuqda ku leh haweenka, halka sidoo kale xukuumadda lugu soo daray wasiir-u-dowlayaal aanay xukuumadihii ka horeeyay lahayn.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya