4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Madaxda Midowga Afrika oo Maanta uu Shir uga Furmay Addis Ababa

Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Madaxda dowladaha ku midaysan ururka Midowga Afrika ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayay magaalada Addis Ababa oo uu ka furmay maanta shirkii 22-aad ee ay isku arkayaan hogamiyayaasha qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda soo gaaray  Addis Ababa si uu shirkaas uga qayb-galo, waxaana sii diiran loogu soo dhaweeyay Bole internatinal Airport oo madaxda oo dhan ay ka soo dagayeen.

Waxaa lagu wadaa in shirka looga hadlo arimo ay kamid yihiin colaadaha ka soo cusboonaaday wadamada kala ah Koonfurta Suudaan iyo jamhuuriyadda Afirkada dhexe oo bilihii ugu danbeeyay ay ka socdeen dagaallo dad badani ay ku dhinteen.

"Si gaar ah waxaa diiradda loo saari doonaa qorshaha lagu hormarinayo qaaradda Afrika, iyadoo sanadka 2036-da laga filayo Afrika in ay joogto meel ka wacan meesha ay hadda joogto," ayaa lagu yiri war kasoo baxay ururka Midowga Afrika oo hordhac u ahaa kulanka maanta.

Sida uu xusay madaxweynaha Soomaaliya markii uu soo gaaray Ethiopia, waxaa iyadana qorshaha ku jirta in Midowga Afrika ay ka  doodaan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka kooxaha argagaxisda ah.

Maalinimadi shalay ahayd waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii wasiiro arimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana Somalia uga qayb-galay wasiirka arimaha dibadda Cabduraxman Ducaale Baylax.

Ugu danbayn, waxaa lagu wadaa marka la soo gaba-gabeeyo shirkan in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo la xiriira waxyaabaha la qabanayo sanadaha soo socda ,iyadoo la dhiiri galin doono amniga iyo dhaqaalah Afrika oo horurmay ballaaran sameeyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]