4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Ciidamada Dowladda Somalia oo ku dagaalamay degmada Walaweyn

Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaraya gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka oo daba socday dagaal kooban oo shalay ka dhacay degmadaas una dhexeeyay ciidammo milateri ah oo halkaas gaaray iyo kuwii horay ugu sugnaa degmada, iyadoo uu ka culus yahay dagaalka maanta kii shalay dhexmaray labada dhinac.

“Iskahorimaadku wuxuu ku baahay gudaha degmada oo dhan, waxaana la maqlayaa hubka culus iyo midka fudud, xaaladduna way kacsan tahay,” ayuu yiri goobjooge Cali Cumar ku sheegay magaciisa oo ku sugan gudaha degmadaas Wanlaweyn.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu jiro ayna ku wajahan yihiin degmadaas si ay u kala dhexgalaan labada ciidan ee dagaalamaya.

“Dagaalku wuu jiraa, waxaana socda qaban-qaabo ay saraakiil ka tirsan kuwa milaterigu ku tagayaan degmadaas si dagaalka u joojiyaan una kala qaado labada ciidan ee dagaalamaya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya.

Laba qof oo shacab ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka maanta halka inta kalena ay yihiin ciidamada dowladda ee dagaalku u dhexeeyo, iyadoo khasaaruhu uu intaas ka badan karo maadaama uu dagaalku yahay mid aad u culus.

“Dhaawacyada waxaa lagu gurayaa gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan, meel walba oo ka mid ah degmadana waxaa ka dhacaysa rasaas,” ayuu yiri goobjooge diiday in magaciisa uu sheego, isagoo intaas ku daray in degmada ay imaanayaan ciidammo gurmad ahaan ugu kala socda labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in sababta dhalisay dagaalka ay tahay markii ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan degmadaas ay isku dayeen inay hub ka dhigis ku sameeyaan shalay ciidammada gudaha degmadaas kula dagaalamaya oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya