4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Dowladda iyo Al-shabaab oo lagu eedeeyay Xadgudubyo Bani'aadam


Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku eedeysay dowladda Somalia iyo Al-shabaab inay mas'uul ka yihiin xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamka sida: weerarro aan loo meel-dayin, xadgdubyo jinsi iyo dad si aan kaal sooc lahayn loo qabqabtay loona xiray.

Xarakada Al-Shabaab oo ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya  ayaa la sheegay inay ka geysato deegaannada ay ka taliso xadgudubyo ay ka mid yihiin inay si khasab ah ku askareeyso dadka waaweeyn iyo carruurta ayna shacabka ka xadidday xuquuqdii asaasiga ahayd ee ay lahaayeen.

"Al-Shabaab waxa ay fulisay dilal bar-tilmaameedsan, gowracyo iyo dal-dalaad, gaar ahaan kuwa loo geeystay shakhsiyaad lagu eedeeyay inay ahaayeen jaajuusiin," ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa si gaar ah loogu xusay dhowr weerar oo waaweeyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, sida mid ismiidaamin ah oo xoogagga Al-shabaab ay ka fuliyeen bishii Abriil ee sannadkii hore xarunta maxkamadaha, kaasoo ay ku dhinteen 29 qof oo rayid ah.

Sidoo kale, waxaa lagu soo qaaday weerarkii ismiidaamis ahaa ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay bishii Juune ee isla sannadkii hore kaasoo ay ku naf-waayeen 14-qof oo ay ku jireen shaqaale ajaanib ah. Waxaana si cad u sheegtay weerarradan Al-shabaab.

"Kuwaa dagaalka kula jira al-shabaab sida ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM, ciidamada Itoobiya iyo malleeyshiyaadka xulufada la ah ayaa iyaguna geystay tacadiyo ka dhan ah bani’aadamnimada,“ ayaa warbixinta lagu sheegay.

Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadatay bishii Feberaayo ee sannadkii hore markii xukuumadda Soomaaliya ay xirtay gabar la sheegay in la kufsaday iyo saxafigii waraystay. Garsoorka ayaa labadaa qof ku helay dambi ah inay ceebeeyeen sumcadda hay'adaha dawliga ah, laakiin mar dambe ayaa laga qaaday xukun la dul-saaray kaddib markii ay dacwaddu dhalleeceynno adag ay kala kulantay caalamka intiisa kale.

Ugu dambeyn, warbixinta waxaa lagu sheegay in Somalia ay wali baaqi ku tahay meelaha ugu halista badan caalamka ee ay saxafiyiintu ka howl-galaan, iyadoo wax ka qabasho la'aanta dilalka suxufiyiinta loo geysto ay ay wali sii jirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya