4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Kooxo hubeysan oo duleedka Degmada Afgooye ku dilay dad rayid ah

Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay laba qof oo shacab ah mid kalena dhaawacay, kaddib markii ay rasaas ku fureen gaadiid waday khudaar oo ka yimid deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dableyda dilka iyo dhaawaca geystay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen bar koontarool, iyagoo rasaas ku furay gaadiidka markii ay koontaroolkaas kusoo dhawaadeen, taasoo keentay inay laba ka mid ah ganacsatadii watay qudaarka ay dhintaan.

“Rasaas ayaa gaadiidka lagu furay, aniga iyo dad badan oo darawalladii iyo caawiyeyaashii gaadiidka ay ku jiraan waan cararnay, fajaciso ayayna nagu noqotay rasaasta,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii qudaarta ee xalay lagu weeraray duleedka degmada Afgooye oo saakay warbaahinta ugu warramayay Afgooye.

Sidoo kale, ganacsadaha ayaa sheegay inay xalay oo dhan ka maqnaayeen gaadiidkooda ayna saakay u yimaadeen, kaddib markii kooxihii rasaaseeyay ay ogaadeen inay goobta isaga tageen.

“Maydadka labada qof waxay xalay oo dhan dhex-yaalleen mid ka mid ah gaadiidka, qofka dhaawaca qabayna xalay oo dhan wuu dhiig-baxayay, saakay ayaana isbitaal u soo qaadnay,” ayuu yiri goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah caawiyeyaashii mid ka mid ah gaadiidkii xalay la rasaaseeyay la la’yahay raq iyo ruux meel uu jiro, waxaana falkan uu imaanayaa xilli gaadiidleyda gobolka Shabeellada Hoose ay ka cabanayeen isbaarooyin fara badan oo gobolkaas lasoo dhigtay.

Ma jiro cid ka tirsan maamulka gobolka oo ka hadlay dhibaatada xalay loo geystay ganacatada qudaarta ee isaga gooshayay degmada Afgooye iyo deegaannada ku dhow-dhow ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya