4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2014
Tarsan: Wasiirradu waa inay dagaan Degmooyinka Muqdisho oo dhan

Arbaco, Janaayo 29, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya inay dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada.

Mudane Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu xilka kula wareegayay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre oo shalay ka dhacday Muqdisho.

“Wasiirrada cusub ee xukuumadda waxaan ugu baaqayaa inay degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan dagaan; taasoo qayb ka qaadan karta xoojinta ammaanka caasimaadda,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay in wasiirradu ay ka baxaan sarta weyn ee ay ku jiraan.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu xusay in shacabka Muqdisho ku nool ay aamineen in goobahay mas’uuliyiinta dowladdu deggen yihiin ay yihiin amni iyagoo ka baqaya inay meelaha kale tagaan, haddiise ay wasiirradu dagaan waxay noqonaysaa in ra’yigaas uu isbedelo.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu billadda sannadka siinayaa wasiirkii ugu horreeya oo dega degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana hubaa in amniga wasiirkaas la sugi doono,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Tarsan wuxuu hadalkiisa ku daray in goobaha ay dowladdu daggan tahay uu sicir-barar xooggan ka jiro marka loo eego kireynta guryaha, hoteellada iyo cunnooyinka, wuxuuna sheegay inay taasi is-bedeli doonto haddii wasiirradu ay isku ballaariyaan Muqdisho oo dhan.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ka dalbaday in federaaleynta laga billaabo Muqdisho, lana qeexo maqaamka ay yeelanayso, inta aan loo gudbin gobollada dalka.

“Haddii maamullada gobollada dalka lasoo dhiso, waxay noqonaysaa in la isugu yimaado Muqdisho oo lagu murmo sidii loo qaybsan lahaa, innaguna taas ma doonayno, balse waxaan doonaynaa in Muqdisho la caddeeyo inay noqonayso caasimadda federaalka iyo inay gobollada maamullada loo sameynayo ka mid noqonayso,” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka inuu awoodda saaro sidii loo qeexi lahaa maqaamka ay yeelanayso Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya