4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Danjire Ameerika oo HOL uga Warbixiyay Xariga Ilyaas Y. Warsame


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameerika) ayaa uga warbixiyay HOL xarigga xoghayaha saddexaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya, Ilyaas Yuusuf Warsame oo tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay u xiran dowladda Kenya.

Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay inaysan si dhab ah u ogeyn sababta loo xiray dublamaasiga, balse ay ogaadeen inuu haystay jinsiyadaha Soomaaliya iyo Kenya, taasna ay sababtay in uu dhumiyo awoodii diblomaasiyadda ee uu gabaad ka dhigan lahaa.

“Ilyaas waxaa lagu helay inuu haysto baasaboorka dalka Kenya, taasoo innagu aanan horay uga warqabin, balse waxaan dadaal ugu jirnaa inaan soo dayno, wax walba oo uu nooga baahdana diyaar ayeeynu ula nahay,” ayuu yiri danjire Ameerika oo HOL u warramayay.

Sidoo kale, danjire Maxamed Cali Ameerika wuxuu sheegay inay mamnuuc tahay inuu laba jinsiyad  haysto qofka safaarad u shaqenaya, isagoo si gaar ah u sheegay in shuruucda caalamiga ah ay mamnuuc ku tahay in ruuxa uu haysto jinsiyada dalka uu dublamaasi ahaanta uga shaqeynayo.

“Xoghayaha saddexaad wuxuu shaqada safaaradda billaabay bishii May ee sannadkii aan soo dhaafnay 2013-ka, mana ogeyn inuu haysto baasaboor Kenyan ah, markii la xiray ayaan ogaannay inuu haysto jinsiyaddda Kenya,” ayuu kaga jawaabay danjire Ameerika su’aal ay HOL weydiisay oo ahayd in ay ogaayeen in Ilyaas uu haysto baasaboorka Kenya markii uu shaqada ka billaabayay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Dhanka kale, danjire Maxamed Cali Ameerika wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lagu hayo xoghayaha saddexaad ee safaaradda,  welina aysan jirin wax ay ka og yihiin baaritaanka socda.

Ma jirto hadal ku saabsan sababta loo xiray dublamaasiga oo ay dowladda Kenya weli shaacisay, balse danjire Ameerika ayaa hoosta ka xariiqay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay kusoo deyn lahaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya