4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Shir Gaalkacyo uga furmay Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo u dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo ka arrimiya qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ujeedka shirka labada dhinac waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii loo mideyn lahaa maamulladan, sida ay goobta shirka ay ka sheegeen xubno u kala hadlay labadan maamul.

Shirka waxaa ka qayb-galaya madaxweyne ku-xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed (Baar-leex), siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda labada dhinac.

Muddada uu soconayo shirka waxaa la sheegay in diirrada lugu saari doonno sida ay ku suuro-gali karto in gobollada dhexe looga hirgalin lahaa maamul ay ku mideysan yihiin gobollada ay ka taliyaan labada maamul ee shirka uu u furmay.

Waxaa kaloo la sheegay in inta uu shirku socdo wax la iska weydiiyay sida loo soo af-jari karo arrimaha kala fogeyn kara labada maamul iyo falalka inta badan ka dhex-dhaca dadka u abtirsada labada maamul ee degga miyaga.

Saxaafadda ayaa dibad-joog ka ahayd inta uu socda shirka, waxaana xilligi uu soo dhammaaday si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur iyo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex.

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo marka hore hadlay ayaa xusay in shirka xilligan u furmay labada maamul uu yahay mid xilliyadii lasoo dhaafay laga soo shirayay, basle uusan ahayn mid hadda billow ah.

"Shirka ma aha mid maanta billowday ee wuu soo socday, waxaana uga arrinsanaynaa ayaaha labada maamul, waxaana ka wada-hadalnay mideynta labada dhinac," ayuu yiri Baarleex.

Sidoo kale, waxaa isna saxaafadda la hadlay madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, Cabdisamad Nuur Guuleed oo dhankiisa sheegay in shirkan uu sii socon doono muddo labo cisho ah ayna rajeynayaan in qodobbo muhiim ah ay kasoo bixi doonaan kuwaasoo ay tilmaameen marka la isku af-garto ay labada dhinac si wadajir ah u wada saxiixi doonaan.

“Waa shir muhiim ah, waxaana uu sii socon doono labada maalmood ee soo socda, waxaana rayjeynayaa in qodobbo muhiim ah ay kasoo bixi doonaan,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug.

Isku soo wada duboo, shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay wada-qaatan labada maamul, waxaana qorshuhu yahay in berri oo Arbaco lasoo af-meero isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah.


Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya