4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Mas’uuliyiinta maamulka Jubba oo booqday xero Tababar [SAWIRRO]


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubba, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday garoonka Madhamaato oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasoo uu tababar uga socdo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Ciidamadan ayaa waxa tababarka u furay macalimiin Soomaali iyo kuwo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxayna tiradoodu dhantahay ku dhawaad ilaa 800 oo askari.

Askartan ayaa goobta kusoo bandhigay dhoolatus Militari oo ay ku mujinayeen waxyaalihii ay barteen mudadii uu tababarka u socday, waxaana sidoo kale goobta heeso guubaabo ah ka qaaday kooxda fanaaniinta ee Horseed.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadlay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kaasoo u hambalyeeyay ciidamada uu tababarka u socdo, isagoo sidoo kale ku booriyay in ay u shaqeeyaan shacabka islamarkaana ka qeybqaataan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo uu sheegay in ay ka fulin doonaan gobollada Juboooyinka gaar ahaan goobaha ay ka arimiyaan xoogagga Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan howlgalladaasi.

Ciidamadan uu tababarka uga socdo duleedka magaalada Kismaayo, ayaa ka mid ah ciidamo dhawaan laga soo ururiyay gudaha magaalada Kismaayo, kuwaasoo aan hore u heysan tababar ciidanimo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya