4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Maamulka Hiiraan oo xilli u qabtay dadka dagan goobaha Danta-guud

Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa muddo kooban u qabtay in ay uga guuraan dadka rayidka ah ee degan xarumaha dowladda ama goobaha dantaguud oo ay ka mid yihiin dugsiyadii waxbarashada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanayo oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidamad booliiska maamulka gobolka, ayaa saakay booqday dugsigii Hoose, Dhexe ee Xalane oo 23 -kii sanno ee la soo dhaafay deganaayeen qoysas Soomaaliyeed, waxaana lagu war-galiyay in ay muddo gaaban ku banaayaan dhulka uu ku fadhiyo dugsiga oo ay ka dhisan yihiin guryo deegaan ah.

Qoysaskan oo horay loogu war-galiyay in ay baneeyaan dhulka degan yihiin ayaa mar kale waqti loo siiyay in ay halkaa uga guuraan, kaddib markii ay sidaa ka codsadeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka qoysaska laga rarayo.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay dadka degan dugsigii Xalane ayaa u sheegay in muddo dheer oo ay ku noolaayeen kadib hadda loo baahday in dib -u-dhis lagu sameeyo dugsiga si ay wax ugu bartaan ubadka Soomaaliyeed.

“Maamulka wali fursad ayuu idin siinayaan, annaga ma dooneynno in aan idin qasabno laakiin kaliya waxa aan u socno waa in aad dhulka baneysaan oo kaliya, si dib u dhis lagu sameeyo dugsiga loona soo celinayo adeegii waxbarasho ee uu bulshada u hayay, sidaa daraadeed waxaan idinka codsaneynaa in aad baneysaan dhulka uu dusiga ku fadhiyo una hogaansantaan awaamiirta leydin farayo,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan in ay cabiri doonaan dhulka rag Injineero ah, islamarkana guri kasta oo uu cabirkaas uu ku tago la dumin doono.

Taliyaha saldhiga booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo isna la hadllay dadka la faray in ay guuraan ayaa sheegay inay ciidamada booliiska ka caawin doonaan siddii ay agabkooda ula bixi lahaayeen, waxaana uu ku war-galiyay in muddo sadex cisho ah ku baneeyaan dhulka.

“Annaga uma socono mana rabno in aan hanti dad Soomaaliyeed leeyihiin jajabino, waliba waan idinku caaweyneynaa siddii aad agabkiina ugala bixin laheydeen guryaha, laakiin waxaan idinka codsaneynaa in aad amarka qaadataan, kuna baneysaan dhulka mudadii leydiin qabtay,'' ayuu yiri  Cali Dhuux Mahad Alle.

Waxaa uu sheegay taliyaha in haddii aysan ku baneynin qoysaska degan dhulka dugsigii Xalane waqtiga la siiyay hay'addaha nabad-galyada qaadi doonaan talaabada ku haboon oo ah bur burinta guryaha halkaa ka dhisan.

Laakiin dhinaca kale, qoysaska la faray in ay ka guuraan dugsiga ayaa ka dalbaday in maamulka in uu dib u dajin u sameeyo, madaama xiligan aysan jirin goob u diyaarsan oo markiiba ay degi karaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa horay uga saaray qoysaskii ku noolaa xerrada gaaska shanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Lama-gallaay oo mudo ka badan 23 sanno ka mid aheyd mid ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne, waxaana hadda xerrada lagu tababaraa qeybaha kala gadisan ee ciidamada.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bur burtay dowladdii dhexe1991-kii xarumihii dowladda iyo kuwii dantaguud  waxaa ay deegaan u noqdeen dad rayid ah, laakiin waxaa muuqata in xiligan lagu howlan qorshe dib loogu soo celinayo guud ahaanba xarumahaas si loogu qabto adeegyadii kala duwanaa oo ay dadweynaha u hayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya