4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2014
Ururka ONLF oo sheegay in Saraakiil Sar-sare looga afduubay Nairobi


Talaado, Janaayo 28, 2014 (HOL) — Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in laba xubnood oo saraakiishooda sare ka tirsan ay sirdoonka Itoobiya ka afduubeen gellinkii dambe ee Axaddii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee xarutna dalka Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka ONLF, C/raxmaan Sheekh Mahdi oo isagoo ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Kenya wareysi gaar ah siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in labadan sarkaal ay ka mid ahaayeen xubno u qaablisan wadahadal ay kula jireen dowladda Itoobiya.

“Magaalada Nairobi ayaa laga afduubay labadan xubnood, xaasaskooda iyo carruurtooda ayaa deggen magaalada, markii la waayay xilligii ay dib ugu laaban jireen guryahooda ayaa la waayay, taasna waxay keentay in baadi-goob loo galo, illaa haddana way maqan yihiin,” ayuu yiri Mahdi.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in xukuumadda Kenya iyo maamullada ay gaarsiiyeen arrintaas, isagoo xusay in taleefoonnada raggaas ay ka baxeen hawada Kenya ayna filayaan in gudaha Itoobiya lagu hayo.

“Labada mas’uul waxay ahaayeen mas’uuliyiintii ONLF u matalaysay qorshe lagu wada hadashiinayo dowladda Itoobiya iyo ONLF, waxaana wafdigan u ahaa madax Sulub Cabdi Axmed ruuxa kalena wuxuu ahaa kaaliyihiisii,” ayuu yiri C/raxmaan Mahdi.

Wadahadalladan ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo aan rasmi ahayn oo ay wadday dowladda Itoobiya, balse xubnahana la afduubay uu ururkooda ONLF u xilsaaray inay wadahadallada ku matalaan, afduubkoodana ay aad ula yaabeen.

Xoghayuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wadahadallo xilligan u socday ONLF iyo dowladda Itoobiya, balse rajo laga qabay inay furmaan xilli dhow, mase jiro xilli rasmi ah oo uu sheegay inay wadahadalladu furmayaan.

Dhanka kale, xoghayuhu wuxuu beeniyay warar ay qoreen qaar ka mid ah shabakadaha taageera maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ahaa in mas’uuliyiintan la qabtay iyagoo doonayay inay ka gudbaan xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Kenya iyo kuwo kale oo ahaa inay isku dhiibeen dowladda Itoobiya.

“Wararkaas waa been abuur aanay waxba ka jirin, mana jirto sabab ay uga tallaabaan xadka, waayo qoysaskooda Nairobi ayay deggen yihiin, baahi u geysanaysay inay is-dhiibaanna ma jirin, waayo labadan xubnood labaatan sano muddo ka badan ayay dagaalka ku jireen, waa rag aan ku kalsoon-nahay oo aan is-dhiibayn,” ayuu yiri C/raxmaan Sheekh Mahdi.

Ma jiro hadal ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladaha Itoobiya iyo Kenya, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo jabhadda ONLF ay sheegto in dal kale lagu afduubay xubno mas’uuliyiinteeda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya