4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2014
Golaha Wasiirrada DF oo shir usoo gaba gaboobay (SAWIRRO)

Isniin, Janaayo 27, 2014 (HOL) —Kulan wada-tashi ahaa oo shalay u furmay Golaha Wasiirrada ee Somaaliya,  loogana hadlayey qorshaha xukuumadda ee sanadkan 2014 ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobey.

Kulankan oo Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu shir guddoominayey, waxaa kasoo qayb galay madax ka socota beesha caalamka, waxaana kamid ahaa Philippe Lazzarini oo ah ku-xigeenka ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirro ka socdey Midowga Yurub.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay todobaadyada soo socda bilaabi doonto fulinta qorsheyaal dhowr ah oo ku aaddan sidii dalka loo horumarin lahaa.

Mudane C/weli ayaa sheegay in taageerada caalamku ay tahay midda laf-dhabarta u ah jiritaanka dowladda, isagoo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ugu baaqay in ay kordhiyaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Philippe Lazzarini oo isna xiritaankii kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta si kooban uga hadlay, ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudan tahay in si hagar la'aan ah loo taageero maadaama ay xilligan dhanka horumarka iyo u jiheysatay.

Lazzarini ayaa dhanka kale xusay in hadda kaddib taageerada caalamka lagu saleyn doono baahida dalka ka jirta iyo qorsheyaasha ay dowladdu la timaado, si looga gaashaanto in dhaqaale badan lagu bixiyo mashaariic aan munaasib ahayn.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya, wuxuuna socdey muddo labo maalmood ah. Ajendaha shirkan ayaa ahaa in Goluhu uu wadatashi ka sameeyo qorshaha xukuumadda ee sanadka 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya