4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin Gobolada dhexe oo la diiday

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Beledweyne gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan ayaa si adag looga hor yimid shirar bilihii ugu danbeeyayba ka dhacayay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo sida la sheegay lagu dhisyo maamul ay ku mideysan yihiin gobollada dhexe Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran oo ay ka soo qeyb-galleen odayaasha dhaqanka gobolka ayaa lagu sheegay in aysan aqoonsaneyn qorshaha la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe Soomaaliya.

Nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in ay ka digayaan sida uu hadalka u dhigay dhismaha maamul uu qeyb ka yahay gobolka Hiiraan, madaama go’aanka ugu danbeeya dhismaha maamul uu gobollku yeesho leeyihiin bulshada ku dhaqan gobolka.

‘’Shirarka socda ee la leeyahay waxaa maamul loogu sameynayaa gobollada bartamaha Soomaaliya annaga haddii aynu nahay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan waxaan u aragnaa shirar la doonayo in bulshada degan gobollada dhexe leysaga horkeeno, ma jirto cid go’aan ka gaari karta mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan oo aan aheyn bulshada degan, sidaa daraadeed waxaan leenahay cid kasta oo shirarkaas ku lug leh ka fogaada wax kasta oo dhibaato keeni kara,’’ ayuu yiri nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge.

Waxaa uu intaa ku darray in gobolka Hiiraan marka baaxad ahaa la eego uu qaadi karo labo gobol, sidaa daraadeed aysan jirin sabab sidda uu hadalka u dhigay loogu lamaanayo gobollo kale.

‘’Annaga ayaa go’aanka ka gaarista arrinta u madaxbanaan, waayo gobolka Hiiraan waxaa uu ka danbeeyaa sideedii gobol lagu aas-aasay jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa uu u qalmaa labo gobol iyo ka badan, ma jirto sabab nagu qasbi karta in aan gobollo kale la midoowno,’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kulanka maanta ay ku yeesheen magaalada Beledweyne odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyayba soconayeen kulamo iyo shirar la sheegay in maamul loogu sameynayo gobollada dhexe oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya