4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo furay kulan looga hadlayo qorsheyaasha 2014


Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay kulan howleed labo cisho socon doona kaasoo golaha wasiirrada ee xukuumada ay uga wada-tashan doonaan howlaha baaxadda leh ee horyaalla iyo sidii loogu fulin lahaa muhiimadaha ay kala leeyihiin, gaar ahaana qorshaha sannadkan 2014-ka.

Cinwaanka kulanka ayaa laga dhigay: “Hannaankii lagu shaqeyn lahaa, laguna gaari lahaa Soomaaliya oo nabad ah, is-aamintay, barwaaqo ah, dawladnimo wanaagna gaartay una adeegta danaha dadweynahaeeda.”

Kulankan oo ka dhacay dhismaha Villa Hargeysa ayaa waxaa kasoo qayb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa, waxaana goobta hadallo dardaaran iyo dhiirri-gelin ah ka jeediyay madaxda dawladda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad furitaan ah ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay howl-qabadka xukuumadda, wuxuuna intaa ku daray inay diiradda ku saari doonaan arrimaha ku aaddan sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyadda daweynaha tuulo, gobol illaa degmo iyo sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho xor ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa kula dar-daarmay xubnaha golaha wasiiradda inay wada-shaqeyn dhow la yeeshaan golaha baarlamaanka si loo helo kalsooni dhex-marta golayaasha fulinta iyo kuwa sharci-dajinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday golaha wasiirrada inay la yimaadaan howl-karnimo, daacadnimo iyo wada-shaqayn dhexdooda ah. Isagoo aad ugu dheeraaday howlaha baaxada leh ee horyaalla, gaar ahaana qabyo-tirka dastuurka dalka, abuuridda guddiyada federaaleynta iyo gaarsiinta dalka doorasho ku dhacda codeyn dadweynaha ee sanadka 2016.

Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulankan lasoo af-meeri doono maalinta berri ah, isla markaana uu yahay kulan muhiimad gaar ah u leh xubnaha golaha wasiirada ee cusub, maadaama ay isla qaabeyn doonaan howhalaha baaxada leh ee horyaala iyo sida ay u kala mudan yihiin in loo fuliyo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in goluhu ay si gaar ah diiradda u saari doonaan sidii dadweynaha Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka  u ah nolosha bani’aadamka, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya