4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2014
KENYA: Meelaha aan ka joogno Jubbooyinka Amni ayaan ka dhignay

Axad, Janaayo 26, 2014 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya, Berg. Walter Raria ayaa xusay in deegaannada ay joogaan ay ammaan ka dhigeen, isagoo xusay inay ka hortageen weerarro badan oo la doonayay in deegaannadaas laga fuliyo.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qabteen deegaannada ay Jubbooyinka kaga sugan yihiin, isagoo sheegay in taasi ay suurogashay kaddib markii ay wada-shaqeyn ka heleen shacabka deegaannadaas.

“Waxaan ku guuleysannahay inaan Al-shabaab ka saarno deegaanno fara badan oo ku yaalla Jubbooyinka, waxaana noo qorsheysan inaan goobaha ay ku harsan yihiin ka saarno,” ayuu yiri Brig. Walter

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa waxay tiradoodu gaarayaan 3,664 askari kuwasoo ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo xad la leh dalka Kenya.

Hadalka kasoo baxay sarkaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli weli dagaallo iyo dhibaatooyin ay ka dhacaan gobollada Jubbooyinka kuwaasoo ay geystaan xoogag taabacsan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay weli dagaallo ka wadaan deegaanno ka tirsan Jubbooyinka ayna khasaarooyin gaarsiiyeen ciidamada Kenya ee qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya