4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Naadiga Badbaado oo ka qayb-galay caleemo-saarkii Cabdiweli Gaas


Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Waxa galabta dib ugu soo laabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho wafdi ka socday  Naadiga Badbaado Qaran oo ka qayb-galay caleemo-saarkii madaxwaynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taasoo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdigan ka socday Naadiga Badbaado Qaran ayaa waxay isugu jireen guddoonka sare ee Naadiga, wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo taageerayaal, kuwaasoo kawada tirsan Naadiga Badbaado Qaran.

Markii wafdigan uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay uga warbixiyeen saxaafadda ujeedka safarkooda, kasoo ay sheegeen inuu ahaa mid ay uga qyabgalayeen xafladdii caleemo-saarka Madaxwaynaha Puntland C/weli Gaas. Guddoomiyaha Naadiga Badbaado Qaran Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee ay kala kulmeen mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamul goboleedka Puntland iyo shacabkoodaba.

Sidoo kale, Jaahwayn ayaa soo dhaweeyay hannaanka wanaagsan ee ay xilalka ula kala wareegeen madaxda isku bedelay jagada madaxtinimo ee dowlada goboleedka Puntland.

Dhanka kale, guddoomiyaha Naadiga Badbaado Qaran ayaa carrabaabay in muhiimad gaar ah ay u lahayd inay ka qayb-galaan isaga iyo naadigiisaba munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland iyo sidoo kale xaflada lagu waynaynayo 15-guuradii iyo jiritaanka dowladda goboleedka Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in kulamo gaar-gaar ah ay la yeesheen wafdigan ka socday Naadiga Badbaado madaxwaynaha cusub ee  la caleemo-saarayay, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, isagoo ku boorriyay in xilka ay haatan qabteen ay uga soo baxaan sida ugu haboon.

Ugu dambeyn, wafigan Naadiga ayaa ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaarihii xukuumadii ay wasiirrada ka ahaayeen, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo noqday madaxwaynaha cusub ee Puntland iyo sidoo kale shacabka reer Puntland.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya