4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
PUNTLAND: " Al-shabaab khasaare xooggan ayaan u geysaney"
Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) —Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan, ayaa shir-jaraa'id oo Garoowe uu ku qabtay wuxuu kaga warbixiyey dagaal maanta deegaanka Galgala -oo qiyaastii 55km magaalada Boosaaso koonfur galbeed kaga beegan- ku dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntlad iyo xooggaga Al-shabaab ee fadhigoodu uu buuraha Golis yahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen deegaanno ay isku uruursanayeen kooxo ka tiran Al-shabaab goor hore oo saaka ah, kaddib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ay deegaannadaas ka wadaan.

Khasaare xooggan ayuu sheegay inay u geysteen islamarkaana ay ku khasbeen inay u cararaan dhul aad uga durugsan meesha uu saaka dagaalku ka dhacay. Saddex dagaal-yahan oo Shabaabka ka tirsanaa ayuu Khaliif Ciise xusay in dagaalkaas lagu diley todobo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka ciidamada Puntland khasaaraha soo gaaray mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in hal askari uu dhintay. Wasiirku ma carrabaabin tirada askarta dhanka ciidamada Puntland ka dhaawacmay, haseyeeshee ugu yaraan 4 askari oo dhaawac ah ayaa gelinkii hore ee maanta lasoo gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Kol. Khaliif Ciise Mudan ayaa dhanka kale hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Puntland isagoo ugu mahadceliyey sida ay ammaanka u adkeeyeen xilligii doorashada iyo weliba sida ay mar walba xoojinta ammaanka iyo nabadgelyada deegaanada Puntland ugu heellan yihiin.

Ugu dambeyntii ku-simaha wasiirka amniga ee Puntland wuxuu baaq u diray dadweynaha reer Puntland isagoo ku boorriyey in ay ciidamada ammaanka si joogto ah ula shaqeeyaan maadaama taageerada bulshada la'aanteed ay adagtahay in nabadgelyada si hagaagsan loo sugo.

Ma jiro wax war ah oo ku aaddan dagaalka maanta deegaanka Galgala ka dhacay oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya