4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukunno ku ridday eedeysanayaal

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday dhowr qof oo loo haystay falal ay ka mid yihiin burcadnimo, kufsi iyo dil, iyadoo qaar ka mid ah eedeysanayaasha dib loo dhigay dacwadooda.

Fadhiga maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa ehellada eedeysanayaasha iyo waalidiinta dadkii dhibbanayaasha ahaa, waxaana eedeysanayaasha la hor-keenay maxkamadda ay tiro ahana gaarayeen 15-qof.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa goobta ka akhriyay maxkamadda dambiyada loo kala haysto eedeysanayaasha la xukumay iyo kuwa aan weli la xukumin ee dib loo dhigay dacwooyinkooda.

Dood dheer kaddib ayuu guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur uu ku dhawaaqay xukunnada ay ridday maxkamadda, isagoo sheegay in eedeysanayaashii loo waayay markhaatiyaasha dib loo dhigay dacwadooda.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxay xukun min 20-sano oo xabsi ah ku ridday eedeysanayaasha kala ah: Zakariye Daahir Maxamuud oo 19-jir ah iyo Dalmar Maxamed Xaashi oo 21-jir ah, kuwaasoo lagu helay inay kufsi u geysteen dhibbane Deeqo Cusmaan Cabdi. Maxkamaddu waxay kaloo labada  eedeysane ku xukuntay min 20-milyan oo ganaax ah,” ayuu yiri Dr. Xaashi Cilmi.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in eedeysane, Maxamed Salaad Maxamed oo 30-jir ah uu bixiyo diyada marxuum Maxamed Ugaas Mustaf oo 20/11/2013 uu ku dilay shil gaari, sidoo kalena maxkamaddu ay lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay kaddib markii lagu helay inuu gaariga ku waday sharci la’aan.

C/fitaax Aadan Xasan oo 20-jir ah ayaa isagna lagu xukumay shan sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu ka qaybqaatay kufsi loo geystay wiil yar, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay in laba ruux oo falkaas kula jiray ay horay maxkamaddu xukunno ugu ridday.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir wuxuu xusay in Cumar Xasan Garaad oo lagu xukumay xabsi saddex sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo ganaax ah lacageed ah, inkastoo aanu sheegin dambiga lagu helay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya