4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho iyo Afgooye oo shaqadii joojiyay

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay inay maanta shaqo-joojin sameeyeen, kaddib markii ay sheegeen inay isbaarooyin kusoo bateen inta u dhexeysa Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir, Daahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay in shaqo-joojintooda ay saldhig u tahay isbaarooyin aad u fara badan oo rag ku labisan direyska ciidamada ay dhigteen waddadaas.

“Isbaarooyin badan oo lasoo dhigtay waddada ayaa sabab u ah shaqo-joojinteenna maanta, waxaana madaxda dowaldda Soomaaliya ka codsanaynaa inay isbaarooyinkaas faraha badan wax ka qabto,” ayuu yiri Dirir.

Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya ay uga mahadcelinayaa go’aannadii uu horay uga soo saaray isbaarooyinka; balse ay weli dhibaato ku hayaann burcadda isbaarooyinku u yaallaan waddooyinka.

“Kooxaha isbaarooyinka dhiganaya waxay gaadiidleyda ku qasbaan inay bixiyaan lacago baad ah, haddii ay bixin waayaanna waxay u geystaan jir-dil xooggan. Hadda waxaa noo taalla laba darawal oo aad loo jir-dilay,” ayuu Dirir ku daray hadalkiisa.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in kooxaha isbaarooyinka ay u yaallaan haddii ay darawallda lacago ka waayaan ay rakaabka baarasho kula dhaqaaqaan, runtiinna mar walba oo la yiraahdo isbaaro hala qaado way sii badanaysaa ee ma yaraanayso.

Sidoo kale, wararka laga helayo gobolka Shabeellada hoose ayaa iyaguna sheegaya inay shaqo-joojin ku dhaqaaqeen gaadiidleyda ka shaqeysa guud ahaan degmooyinka gobolkaas, kuwaasoo ka cabanaya isbaarooyin fara badan oo yaalla gobolkaas.

Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyanha Somalia uu dhawaan sheegay in ruux walba oo isbaaro dhiganaya oo la arko la toogto, iyadoo ay weli gaadiidleydu ay ka cabanayaan isbaarooyin la soo dhignayo waddooyinka isku xira Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaanay jirin gaadiidka dadweynaha oo maanta ka shaqeynaya, taasoo keentay inay dad badan oo ku xayirmaan Afgooye iyo deegaannada kale ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya