4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Gaas: “Dowladda waan la shaqeyn haddii ay dastuurka ku dhaqanto”


Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xaflad ka mid ah kuwii lagu caleemo-saarayay oo xalay ka dhacday magaalada Garoowe ka sheegay inay dowladda federaalka ah la yeelan doonaan wada-shaqeyn haddii ay ku dhaqanto dastuurka.

Gaas ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul u taagan midnimada Soomaaliya, wuxuuna xusay inay taas ku taagnaan doonto illaa Soomaaliya ay ka noqonayso dowlad mideysan.

“Waxaa naga go’an inaan xiriir wada-shaqeyn la yeelanno dowladd dhexe ee Soomaaliya haddii ay ku dhaqanto dastuurka dalka u yaalla,” ayuu yiri Gaas oo intaas raaciyay in maamulkiisa ay ka go'an tahay la shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya haddii intaas laga helo.

Maamulka Puntland ayaa sannad ka hor ku dhawaaqay inay xiriirkii wada-shaqeyn ay u jareen dowladda dhexe Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay ka tallaabsatay ku dhaqanka dastuurka.

“Puntland waxay mar walba diyaar u tahay inay ka shaqeyso horumarka iyo qaranimada Soomaaliya, mana ahan taas arrin shaqi uu ku dhawaaqay ee waa mid ay go’aan kuwada gaareen shacabka iyo maamulladii Puntland soo maray,” ayuu C/weli Gaas hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo horay u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu ka dhawaajiyay ayaa wuxuu imaanayaa xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka muujinayeen inuu dib u soo laabato wadashaqeyntii ka dhexeysay Puntland iyo dowladda dhexe.

Maamulkii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaan wax wada-shaqeyn ah la lahayn dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo markii xilka looga guuleystayna ay soo baxeen rajooyin badan oo laga muujinayo dib u soo laabashada xiriirka dowladda dhexe ee Soomaalia iyo maamulka Puntland.

C/weli Gaas ayaa kaga guuleystay hal cod madaxweynihii hore ee Puntland doorashadii madaxnimo ee sideeddii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya