4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2014
Kooxo hubeysan oo dad shacab ah ku toogtay degmada Balad-xaawo

Sabti, Janaayo 25, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay laba qof ku toogtay bartamaha degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo ay u suuro-gashay inay markiiba goobta ka baxsadaan.

Labada qof oo ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu horay uga baxsaday Al-shabaab uuna ka mid ahaa ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya, halka qof kalena la sheegay inuu ahaa rayid.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dilka labadan ruux ay geysteen kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab, ayna hadda wadaan baaritaanno lagu soo qabanayo.

“Hadda war xaqiiqo ah lagama hayo sida uu dilka u dhacay iyo sababta ka dambeysay, balse waxaan wararka ku haynaa inay dileen kooxo ka tirsan Al-shabaab ayna baxsadeen, waxaana socda baaritaanno lagu raadinayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Sidoo kale, Kaliil wuxuu sheegay in labada qof ee la dilay uu midkood kasoo goostay Al-shabaab uuna ku biiray ciidamada dowladda xilli uu Muqdisho ku sugnaa, uuna dib ugu soo laabta gobolka, qof kalena uu ahaa rayid.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ay ku sheeganayaan ama ku diidayaan inay mas’uul ka yihiin dilka labadan qof ee xalay lagu toogtay bartamaha degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Degmada Balad-xaawo oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay gobolka Gedo ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa iyaduna ku sugan deegaanno ku dhow degmadaas oo ka tirsan gobolka Gedo, waxay kaloo kooxdan gacanta ku haysaa degmooyinka Buur-dhuubo iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya