4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Masaajido ku yaalla Waqooyiga Ameerika oo Hashiis kala Saxiixday

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul ee gobolka Minnesota waxaa ku yaal qiyaastii 26 masaajid oo ay maamulaan dadka Soomaaliyeed, qaarkood waa la iibiyay qaarna waxaa loogu jiraa kiro;  haddaba inta badan waxaa lasoo darsa dhibaatooyin dhaqaale oo looga baqo in masaajiddu ka baxaan gacanta muslimiinta.

Si looga hor-tago dhibtadaas loona mideeyo awoodda muslimiinta maamusha masaajidda ayaa waxaa xalay lagu dhawaaqay urur mideynaya awoodda dhaqaale ee sagaal masjid oo ku yaalla siddeed gobolka oo ku yaalla gobollada Minnesato iyo Ohio ee dalka Mareykanka.

Waxaa loogu magac-daray ururka iskaashiga masaajidda iyo xarumaha Islaamiga ee Waqooyiga Ameerika guduha, iyadoo kulanka ururkan looga dhawaaqay uu ka dhacay masaajidka Karmel oo ku yaal suuqa Karmel ee magaalada Minneapolis.

Waxaa halkaa ka hadlay dhammaan culummadda, ganacsatada iyo odayaal ku nool gobolka Minnesota oo kulankaas ka qaybgalay.

“Ururkan waxaa lagu mideeyay awoodda dhaqaale ee sagaalka Masaajid, nooca iskaashiga waa nooc shuraako ah sidii loo xoreyn lahaa masaajidda daynta lagu leeyahay bixinteedana wadajir loogu wadaagi lahaa iyo in la daboolo baahiyaha dhaqaale iyo horumarinta jaaliyadda,” ayuu yiri Sheekh Xasan Maxamuud Jaamici oo xubin ka ah gobolka.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Buraale ayaa isaguna tallaabadan ku tilmaamay mid horomar leh ayna tahay wax lagu farxo, isagoo dadka la hadlaya wuxuu yiri: “Ha uga talo-galina inay wadaaddadu wax walba qabtaan waa inaad gacan ka geysataan dhamaantiin hawlaha socda sida tan ururkan iyo kan mashruuca duugista.”

Prof. Shariif Siidow oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan gobolka Minnesota ayaa isna sheegay inuu ururkan u furan yahay dhammaan xarumaha daneenaya ee Waqooyiga Ameerika ku yaalla waana inay ka qayb-noqdaan iyagoo lasoo xariiri kara guddiyada ay samaysteen sagaalkan masaajid.

Masaajiddii xalay hishiiska kala saxiixday ee sagaalka ahaa waxay kala yihiin: masjidka Karmel, Shaarici,Dacwah, Umattu Mohamed, Khalid Ibnu Waliid, Darul Faruq, Abuu Hureera, Masjid Cumar iyo masjidka Al- Qur’aan wa Sunnah oo ku yaal gobolka Ohio-Columbus.

Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota