4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Kulan Lagu Dhisayo Maamul-Goboleedyo oo Muqdisho Lagu Qabtay


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay hoteelka City Palace shirw looga tashanayay sidii deegaannada Koonfurta dalka Soomaaliya loogu sameyn maamul goboleedyo.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qaybgalay 400 oo qofood kuwaasoo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobolka Banaadir sida guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), odayaal, dumar, aqoonyahanno iyo xubno kale.

Waxaa halkaas lagu soo bandhigay wixii kasoo baxay kulamo socday muddo sagaal bilood ah oo ay lahaayeen beelaha Hawiye, halkaasoo isku arkayeen kooxo toban ah oo kala duwan, iyadoo lagu soo bandhigay siyaaba la rabo in lagu dhiso maamul goboleedyo deegaannada beelahan ay dagto la doonayo in laga hirgeliyo, iyagoo la isku raacay.

Kulanka oo xubno kala duwan ay ka hadleen ayay sixitaan ku sameeyeen qoraalladii guddiga qaban-qaabada shirka ay soo bandhigeen. Abshir Cabdi Dhoorre ayaa goobta ka akhriyay akhriyay qoraalladii la isku raacay, kana mid ahaa guddigii kasoo shaqeynayay muddada dheer howlahan.

Qoraalka lasoo saaray ayaa waxay u qornaayeen sidan:

1. Beeshan muddo ayay sugeysay in Soomaalidu la gartaan khatarta ku aasan maamul goboleedyo soohdimo qabiil lagu saleeyay, haddaba markii ay arkeen meesha Soomaalidu kusii socoto, laguna suntay dastuurka dalka ee KMG ah in dalka loo qaabeeyo hab federaal qabiil ku dhisan, inkastoo weli ay afti u dhiman tahay, waxay go’aansadeen inay dhisaan maamul goboleedyo inta laga gaarayo aftida dastuurka.

2. Gobollada ay aadka uga badan yihiin Soomaalida kale sida Shabeelada Hoose, Muqdishu, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug in si dhaqso ah loogu sameeyo maamul goboleedyo saddex ama labo ah,  hadba inta la isku raaco oo guddi loo saarayo xilliyada soo socda.

3. Gobollada ay la dagaan Soomaalida kale hayeeshee ay ka yihiin boqolkii konton illaa boqolkii toban sida Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool inay la dhistaan maamulo qabaa’ilka ay wada degaan.

4. In la qabto guddiga khilaafaadka iyo marjaca oo dhaqanka laga xulli doono, si ay u xalliyaan waxyaabaha aan la isku raacsanayn.

5. In dowladda Soomaliya, beesha caalamka iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ay ka geystaan taakulaynta ku aaddan si maamuladaas loogu dhisi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya