4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Xaflad lagu soo bandhigay Cunnooyinka dalka kasoo baxa (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo bandhigay cuntada dalka kasoo baxda ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga Khadiija ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Xafladdan ayaa lagu soo bandhigay cuntooyin kala duwan oo siyaabo kala gedisan loo sameeyay, waxaana ka qayb-galay bulshada ku nool degmada Laascaanood.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka hadlay cuntada faaiidooyinka ay leedahay cunnada dalka kasoo baxda ayaa sheegay inay ugu fadli badan yihiin wax la cuno sida buu yidhi sarreenka iyo heedda.

Prof. C/risaaq Lafoole madaxa jaamacadda Nugaal oo munaasabadda ka jeediyay hadal ayaa wuxuu ka warbixiyay dalalka Afrika qaarkood iyo cuntooyinka mid waliba ay xoogga saaraan, isagoo xusay Uganda iyo Kenya.

Dr. Yuusuf Saleebaan Sancad ayaa caafimaadka iyo saamaynta ay cuntada waddanka kasoo baxaa ku yeeshaan, waxaanu si gaar ah u tilmaamay dadka reer guuraaga ah oo caadaystay buu yidhi bariis taasina waa ta sababtay in dhiig la'aan ay ku dhacdo, wuxuuna ku dardaarmay in la gaarsiiyo.

Madax shirka Telesom, C/risaaq Axmed Warsame "Dhabayaco" ayaa wuxuu isna sheegay inay shirkad ahaan gacan ka geysanayaa cidii tallaabadan oo kale ugu dhaqaaqi lahaayeen, taasoo uu ku tilmaamay inay dalka horumar u keeni karto Telesomna caan bay ku tahay buu yidhi inay tallaabooyinkan oo kale taageerto.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku nool Laascaanood iyadoo dhawaan la furay meherado ganacsi u soo habeeya qaybaha cuntada dalka laga beero ee laga keeno deegaannada kala duwan.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool