4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Dowladda Holland oo Magangalyo iyo degenaasho siinaysa Somalida


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Xoghayaha cadaallada iyo amniga dowladda Holland Fred Teeven ayaa sheegay in wax laga badalay siyaasadihii dowladda ee ku aadanaa arimaha dadka magan-galyo doonka ah ee inta badan gudaha u galla dalkaas gaar ahaan Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad  Soomaaliyeed  oo Holland u soo cararay si ay naftooda uga bad-baadiyaan kooxaha argagaxisada ah sida kooxda Al-shabaab, waxaana uu xusay in dowladdooda ay u ogolaan doonto deggenaasho ay ku joogi karaan dalka gudihiisa isla markaana ay xaq-u leeyihiin.

“Kooxda Al-shabaab waxa ay bartilmaameed ka dhigteen dadka dowladda u shaqeeya oo ay ku jiraan barlamanka ,AMISOM ,iyo cid kasta oo ka tirsan  hay’adaha caalamiga ah “ayuu ku sheegay Fred qoraal uu arimahan kaga hadlayay ,waxaana wali jira tiro boqaal Soomaali ah oo wali wadankaas ku nool.

Sanadkii hore dhamaadkiisa war ka soo baxay Holland ayaa lagu sheegay in Soomaalida magan-galyo doonka ah dib loogu celin doono magaalada Muqdisho,iyaga oo markaas u arkayay in xaaladda Soomaaliya ay sidii hore ka wanaagsantahay.

Teeven ayaa tilmaamay in lagu deg-degay hubinta xaaladda dalkii ay ka yimaadeen Soomaalida horey loo tarxiilay,isagoo xusay in Holland ay hagaajin doonto habka loola macaamilo dadka magan-galyo doonka,mana uusan xusin xilliga rasmiga ah ee arintan ay dib u bilaabayaan.

Ugu danbayntii hadalkan ka soo yeeray Netherland ayaa fursad u noqon doona Soomaalida halkaas ku dhaqan iyo kuwa  kale ee doonaya inay isku dhiibaan magan-galya doonimada, waana markii ugu horeysay oo Netherland ay  warkan soo saarto tan iyo intii la bilaabay qorshaha dib loogu celinayo Soomaalida dalkoodi hooyo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]