4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Madaxda sare ee Puntland oo Maanta la caleemo-saarayo (SAWIRO)


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) —Munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda cusub ee dhowaan Puntland loo doortay ayaa ka socota hoolka shirarka ee Hay'adda Cilmi Baarista Puntland (PDRC)  ee magaalada Garoowe.

Goobta ay xafladdu ka dhacayso -oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyey- waxaa ku sugan mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland sida: Madaxweyne Gaas, ku-xigeenkiisa Mudane Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire. Waxaa sidoo kale madasha ku sugan  mas'uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland oo ay kamid yihiin: madaxweyneyaashii hore C/raxmaan Faroole iyo Jen. Cadde.

Wufuud tira badan oo ka kala socda beesha caalamka, dowladda federaalka Soomaaliya, wadammada Soomaaliya deriska la ah iyo maamullada kale ee dalka ka jira -oo 24kii saac ee lasoo dhaafay Garoowe soo gaaray- ayaa iyaguna ka qayb gelaya munaasabadda caleema saarka madaxda cusub ee Puntland hoggaamin dootna shanta sano ee soo socota.

HALKAN K DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mas'uuliyiinta shalay Garooowe soo gaaray ee xafladda lagu martiqaaday waxaa kamid ah: ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo wufuud kale oo ka kala socda dalalka: Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Madax kale oo safiirro badan oo ka kala socda: Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka, Turkiga, Qadar iyo Kuwait ayaa iyaguna goobta ku sugan. Marti-sharafta oo ay tiradoodu kun qof ku dhow dahay waxaa sidoo kale qayb ka ah isimmo, culimaa'uddiin, xubno ka socda ururrada bulshada iyo qurbe-joog tira badan.

Nuxurka khudbadaha laga jeediyo madasha iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa, waxaana xusid mudan iyo xaflad kale oo casho-sharaf ah isla caawa ay ka dhici doonto xarunta madaxtooyada ee Garoowe, xafladdaas oo ay kasoo qayb geli doonaan wufuudda Garoowe u yimid si ay uga qayb qaataan caleema saarka madaxda cusub ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya