3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Madaafiic Khasaare Geystay oo lagu Garaacay Magaalada Muqdisho

Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaafiic ay Al-shabaab sheegtay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa qaarkood waxay dhaawac u geysteen dad rayid ah oo deggenaa xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Dhowr madfac ayaa ku dhacay xaafado ay dad rayid ah daggan yihiin iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen caruur ah halka labada kalena ay ahaayeen dumar.

Goobjoogaaal ayaa sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhaceen xaafado kala duwan oo ku yaalla degmada Wadajir iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn inay garoonka ku dhaceen iyo in kale.

Bogagga taageera Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in duqeynta ay ahayd mid lagu weerayayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayna ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicdaas, balse ma aysan sheegin in madaafiicdu ay khasaare geystay.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay duqeyn la beegsato garoonka diyaaradaha Muqdisho, xili howlaha garoonka ay soo kordhayeen bilihii ugu dambeeyay.

Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kan AMISOM oo lagu faahfaahinayo duqeymaha ay Al-shabaab sheegatay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro duqeyn ah la beegsatay goobo ay ka mid tahay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo khasaare u geystay dad rayid ah oo ay ku habsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/24/2014 1:54 PM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Avv. Xasan Sheekh Ibraahim (Xaseey) ayaa maanta lagu aasay Baydhabo iyadoo gebi ahaan goobaha ganacsiga ay maanta ahaayeen kuwo xiran, iyadoo waddooyinka lagu arkayay ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM oo ilaalinaya ammaanka.

1/24/2014 1:52 PM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Soomaaliya ayaa weli ah goobta ugu halista badan ee ay ka howlgalaan suxufiyiinta iyadoo sannadkii hore lagu dilay afar wariye magaalada Muqdisho, sida ay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

1/24/2014 11:26 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalooyinka Minneapolis iyo St Paul ee gobolka Minnesota waxaa ku yaal qiyaastii 26 masaajid oo ay maamulaan dadka Soomaaliyeed, qaarkood waa la iibiyay qaarna waxaa loogu jiraa kiro; haddaba inta badan waxaa lasoo darsa dhibaatooyin dhaqaale oo looga baqo in masaajiddu ka baxaan gacanta muslimiinta.

1/24/2014 9:12 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay hoteelka City Palace shirw looga tashanayay sidii deegaannada Koonfurta dalka Soomaaliya loogu sameyn maamul goboleedyo.

1/24/2014 7:58 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) —Wasiirka cusub ee dhowaan uu ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed usoo magacaabay wasaaradda waxbarashada ee dalka Axmed Maxamed Guraase, oo waraysigiisii ugu horreeyey siiyey Shabakadda Hiiraan Online, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qorsheysan iyo weliba dhinacyada ay wasaaraddiisu sida gaarka ah diiradda u saari doonto.

1/24/2014 7:10 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta caleemo-saarkiisu ka socdo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay wafti ka socda dalka Jabuuti, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.

1/24/2014 6:44 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo bandhigay cuntada dalka kasoo baxda ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga Khadiija ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

1/24/2014 6:40 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa goor dhow kusoo gabagaboobay wejiga koowaad ee xafladda caleema saarka madaxda cusub ee Maamulka Puntland.

1/24/2014 6:31 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Xoghayaha cadaallada iyo amniga dowladda Holland Fred Teeven ayaa sheegay in wax laga badalay siyaasadihii dowladda ee ku aadanaa arimaha dadka magan-galyo doonka ah ee inta badan gudaha u galla dalkaas gaar ahaan Soomaalida.

1/24/2014 6:25 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa xubnihii isku soo taagay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya sannadkii 2012 ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagay siyaasadii Soomaali-weyn isagoo sabab uga dhigay qabyaalad.

1/24/2014 5:45 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Al-shabaab falalka ammaan xumo ee ka dhaca guddaha deegaannada ay ka taliso.

1/24/2014 5:35 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) —Munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo madaxda cusub ee dhowaan Puntland loo doortay ayaa ka socota hoolka shirarka ee Hay'adda Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ee magaalada Garoowe.

1/24/2014 1:42 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Munaasabad koob loogu magac-daray ka waan-towga tahriibta ayaa lagu qabtay xarunta ururka waddaniga ah ee SCOODO ay ku leedahay magaalada Laascaanood Gobolka Sool.

1/24/2014 1:25 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa howlgallo ay ka sameysay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay ku qabqabatay in ka badan 100-qof oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dab la qabadsiiyay guryo ku yaalla degmadaas.

1/24/2014 1:13 AM EST
Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlya markii ugu horreysay ku biirista ciidamada Itoobiya ay ku biireen howgalka AMISOM, isagoo sheegay inay tahay arrin uu soo dhaweynayo.