4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 24, 2014
Xaflad lagu bixiynayay Koob oo lagu qabtay Laascaanood (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 24, 2014 (HOL) — Munaasabad koob loogu magac-daray ka waan-towga tahriibta ayaa lagu qabtay xarunta ururka waddaniga ah ee SCODO ay ku leedahay magaalada Laascaanood Gobolka Sool.

Xafladda oo ay soo qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta ururka waddaniga ah ee SCODO ayaa waxaa kasoo qayb-galay bulshada, maamulka degmada iyo wax-garad kala duwan, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta tahriibta.

Cawil Maxamed Daroor oo ku hadlaayay magaca ururka SCODO ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ujeeddada koobkan loo dhigay, wuxuuna xusay inay tahay sidii dhallinyarada loo tusi lahaa mar kastana loo xusuusin lahaa dhibaatadda tahriibta, isagoo xusay inay fikirkan lahaayeen naadiga magacooda ku ciyaarayay oo ugu dambeyna ku guulaystay.

Subeer Cismaan Idiris oo ku hadlayay magaca ururada daladda NAGAAD ayaa soo dhaweeyay tallaabada dhiirri-gelinta ah ee ururka SOCODO ku tallaabsaday, wuxuuna ballan-qaaday inay iyaguna qaban doonaan tartammo noocan oo kale ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Maamulaha shirkadda isgaarsiinta TELESOM, C/raxmaan Sayn oo magaca ganacsatada ku hadlayay ayaa ballan-qaaday in wixii talaabo noocan oo kale ah ay qayb libaax ka geysan doonaan, loona baahan yahay buu raaciyay in si guud la isaga kaashado wacyi-gelinta barbaarta.

Isku-duwaha wasaaradda ciyaaraha, Jaamac Khaliif ayaa ka warbixiyey tar-tankan oo ay ka qayb-galeen 10 kooxood oo heerka koowaad ah iyo sidii uu ku dhammaaday, waxaanu intaas ku daray in da'yarta ciyaaraha la gacan qabto sida uu ururka SCODO u qaabilay naadigooda taasoo uu ku sheegay inay dhiirri-gelin u tahay kooxaha, waxaanu bidhaamiyay inay ifafaale weyn u tahay gobolka.

Ku xigeenka duqa degmada Laascaanood, C/raxmaan Maahir Cashuur ayaa u mahad-celiyay ururukan iyo kooxahaba, wuxuuna ugu baaqay naadiga in ay sii wadaan ciyaaraha illaa ay ka gaarayaan guul heer qaran ah, waxaanu ballan-qaaday inay gacan ka gaysanayaan wixii wacyigelin ah ee la xidhiidha horumarka bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa naadiga la guddoonsiiyay agab kala duwan iyo koobkii waxayna mas’uuliyiinta kooxaha u mahad-celiyeen dhamaan dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda iyo kuwii gacanta ka geystay intii ay socdeen tartanka.

Koobkan oo ahaa kii ugu daawashada badnaa ee lagu qabto magaalada Laascaanood ayaa la oran karaa waa mid faa’iido badan u soo hoyn karaan da'yarta wax badanna lagaga qaban karo arrimaha ragaadiyey bulshada oo ay ka mid yihiin qabyaaladda iyo balwadda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool