4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Ahlusuna oo soo dhaweysay ka mid noqoshada Itoobiyaa ee AMISOM

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa kulan lagu taageerayo ka mid noqoashada ciidamada dalka Itoobiya ay ka mid noqdeen AMISOM ku qabtay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xoghayaha guud ee Ahlusunnada gobollada koonfureed, Cali Nuur Maxamed Idiris oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidammo ka socda Itoobiya ay ka mid noqdaan AMISOM ay la wareegaan ilaalinta nabadgelyada gobollada Baay, Bakool iyo Gado.

Wuxuu ka codsaday ciidamada Itoobiya inay deg-deg ah u billaabaan howl-gallo gobolladaas looga sifeynayo xarakada Al-Shabaab oo gacanta ku haysa deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolladan.

Cali Nuur ayaa tilmaamay in culummaa’uddiinka Ahlusunna ay kaalin weyn ka qaadanayaan la-dagaallanka Xarakada Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya tahay mid xoojinaysa AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo noqonaysa dalkii lixaad oo ciidamada AMISOM ka mid noqda.

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidanka dalka Itoobiya ay ka howlgeli doonaan qaybta saddexaad ee howlgalka AMISOM oo ah gobollada Koonfurta ku yaalla, ayna gacan siin doonaan kuwa ku sugan gobollada dhexe.

Hadalka culummaa’uddiinka Ahlusunna ayaa imaanaya xilli abaanduulaha ciidamada xoogga dalka uu sheegay in ka mid noqoshada Itoobiya ay ka mid noqotay AMISOM ay xoojinayso howgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya