4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Sidee looga arkaa Beledweyne ku biirista ciidanka Itoobiya AMISOM

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Kadib markii shalay munaasabad lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay si rasmi ah ciidamada Itoobiya ugu biireen howlgalka midowgga Africa AMISOM, ayeey aragtiyo kala duwan ka dhiibteen arrintaa iyada ah dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin tirrada ugu badan ciidamada Itoobiya ee ka howlgallada gobollada dhexe.

Inkastoo dhab ahaan aan loo ogeyn tirada rasmiga ah ciidamada dowladda Itoobiya ee jooga magaalada Beledweyne, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa la oran karaa tiro ahaan waa ay ka badan yihiin ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Dadka aragtidooda ka dhiibtay qaadashada astaanta AU-da ee maalintii shalay loo xirray ciidamada Itoobiya, ayaa siyaabo kala duwan hadllaya arrintaa iyada ah, wallow marka leysku soo ururiyo figradaha inta ugu badan qabaan ayaa ah in ay arrinta xoojin karto dagaallka ka dhanka ah xarrakada Al-shabaab.

Gaar ahaan bartamaha Soomaaliya midowgga Africa ay ka joogaan ciidamo gaaraya 1000 askari oo ka socda dowladda Jabuuti, kuwaa oo saldhigoodu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

‘’Waxaan si leeyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne si la mid ah sida kuwa Baydhabo jooga qaataan astaanta AU-da, waxey awood siinayaan howlgallada ka dhan ka ah Al-shabaab, damcan markii horeba waa ay ku wada-jireen dagaallka, laakiin tan waxaa ay uga duwan tahay sharciyad rasmi ah ayeey u hellayaan, waayo markii hore waxaa ay ahaayeen ciidammo u soo gallay oo kaliya inay gacan ka siiyaan dowladda dagaallka ay kula jirto Al-shabaab,’’ ayuu yiri qof ka mid ah shaqsiyaadkii HOL wax ka weydiisay arrintan.

Inkastoo ciidamada dowladda Itoobiya ee  ku sugan magaalada Beledweyne dibada uga baxsan yihiin magaalada, ayaa haddana subax walba aroor hore waxaa lagu arkaa gudaha magaalada xilligaa oo ay biyo ka dhaansadaan ceellasha ku yaalla magaalada, iyaga oo wixii xiligaa ka danbeeyana u ruqaansada saldhigooda ku yeella dulleedka, halka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM saldhigyo ku yeeliyihiin bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka gobolka.

Dadka aragtidooda u sheegay HOL qaarkood ayaa qaba in ku biirista Itoobiya howlgalka midowgga Africa waxba ka badalli karin istiraajiyada dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab, marka laga soo tago oo kaliya in ay kordhiyaan tirrada ciidamada midowgga Africa ee  ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

Lama oga in sidoo kale ciidamada dowladda Itoobiya ee jooga magaalada Baladweyne si la mid ah kuwa Baydhabo ku sugan si toos ah ugu biiri doonaan howlgalka AMISOM, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka ama saraakiisha AMISOM oo arrintan ka hadashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya