4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo Qalab Isboorti Qaybiyay (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta qalab isboorti u qaybiyay cayaartoyda 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jiray dhar, kabo iyo kubbado kala duwan sida kuwa kubadda miiska iyo kuwa kubadda cagta.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, mas’uuliyiin ka tirsan isboortiga iyo cayaartooy caan ka ah.

Qalabkan ayaa loogu talo-galay in cayaartoydu ay uga qaybgalaan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo la filayo in bisha nagu soo fool leh ee Feberaayo uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana goobtaas looga dhawaaqay isku-aadka kooxaha ka qaybgalaya tartaankaas.

Duqa Muqdisho Maxamuud Tarsan oo hadal ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in qalabkan uu dhiirri-gelin u yahay ciyaartooyda kooxaha ka qayb-gelaya tartanka, isla markaana ahmiyadda ciyaarahan ay tahay mid loogu talo-galay kor u qaadidda is-dhex-galka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolku uu mar kale qaban doono tartankii xiisaha badnaa ee is-dhex-galka bulshada iyo xifaaltankii dhanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Baanadir.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dhammaan dagmooyinka gobolka Banaadir ay kawada-qeyb-qaadan karaan, iyadoo sannadkan maamulka gobolka uu u qaybshay kooxaha kubadda cagta dagmooyinka qalab kala kala duwan oo kuwa isboortiga ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maamulka gobolka Banaadir soo qaban-qaabiyo tartammo, kuwaaso dhexmara kooxaha kala gadisan ee dhammaan dagmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona sannadkii 2011 ay koobka qaateen kooxda kubadda cagta ee degmada Dharkinleey, kaddib markii uu ku guuleysteen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya