4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Golaha Wasiirada oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay xilalka ula wareegi lahaayeen.

Kulanka kaddib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed isagoo xusay in kulankooda uu ahaa kii ugu horreeyay oo Muqdisho ay ku yeeshaan ayna kaga hadleen hirgelinta qodobbo muhiim ah.

“Qodobbada aan kusoo qaadnay kulankeenna waxaa ka mid ah in xeerka uu ku shaqeynayo golaha wasiirrada iyo sidii ay wasiirradu ay xilalkooda ula wareegi lahaayeen, waxaana go’aaminnay inay muddo shan maalmood ah kula wareegaan xilalkood,” ayuu ra’iisul wasaaruhu yiri.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in kulankoodan midka xiga ay kaga hadli doonaan howlaha horyaalla xukuumadda sidii loo dar-dargelin lahaa, ayna u kala hormarin doonaan sida ay u kala fudud yihiin.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii golaha baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida siiyeen maalin ka hor, shalayna la dhaariyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn sheegay in golaha wasiirradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga dalka, ayna isla garteen in la horumarinayo amniga iyadoo laga ambaqaadayo baahida deg-degga ah ee jirta.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu sheegay in kulankoodii maanta ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xubnaha golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda  cusub ee Soomaaliya.

Golaha wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 55-xubnood, kuwaasoo 25 ka mid ah ay yihiin wasiirro, halka 25 kalena ay yihiin kuw xigeenno iyo sidoo kale shan wasiir u dowle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya