4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Wafdi uu horkacayo Axmed Madoobe oo u dhoofay Garoowe (Sawiro)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweeynaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa manta u ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweeynaha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, odoyaal, haween, iyo siyaasiyiin kale ayaa intii uusan bixin kahor waxa uu shir jara’id ku qabtay gudaha garoonka, iyadoona shirkiisa uu uga hadlay arimo kala duwan.

Masuulkan ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha dhanka ammaanka, isagoo sheegay in ammaanku yahay waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in ahmiyadda koobaad la siiyo, wuxuuna kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta maamulka Jubba in ay ka shaqeeyaan amniga.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaa xaqiiqo ah waxaa jiro cadow, dadkoo dhan u dhexeeya oo aan ninna deyneyn, ilmaha yar, qofka waayeelka ah, qofka aqoonyahanka ah, hooyada midna aan dhaafeyn oo dhibaatadiisu joogto tahay, waxaan guud ahaan Soomaalida kula dardaarmayaa iyo beesha caalamkaba in cadawgaas oo aan moodo inuu waqtigiisu sii dhamaanayo lays raaciyo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Intaa kadib ayaa madaxweeynaha iyo wafdigiisa waxa ay u duuleen dhanka magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntlan, halkaasoo la filayo in maalinta berito ah ay ka dhacdo xafladda caleemosaarka madaxweeynaha maamulkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya