4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Dowladda Somalia oo soo dhaweysay in Itoobiya ay ku biirto AMISOM

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa soo dhaweeyay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdeen kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, isgaoo xusay in tani ay isbedel weyn ku sameynayso dagaallada looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Jen. C/risaaq Khaliif ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka howlgelayaan qaybta saddexaad ee howlgalka AMISOM ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, sidoo kalena ay gacan siin doonaan ciidammada ku sugan qaybta afaraad ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

"Ciidamada Itoobiya ka mid noqoshadooda AMISOM waxay awood siinaysaa sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan, waxayna ciidamada ka howlgeli doonaan qaybaha ciidamada AMISOM saldhigooda yahay, howl-galadoodana ku wajahan yihiin," ayuu yiri abaanduulaha.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in tani ay qaybweyn ka qaadaneyso howl-gallada AMISOM ay ka wado Soomaaliya, isagoo tallaabada ku tilmaamay mid ay soo dhaweynayaan.

Taliska AMISOM ayaa xaqiijiyay shalay in ciidamada Itoobiya ay si rasmi uga mid noqdeen howlgalkooda, waxaana munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo si rasmi ciidamadaas loogu wareejiyay sugidda ammaanka saddex gobol oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya soo galay dhammaadkii sannadkii 2011 ayaa waxay Al-shabaab kala wareegeen degmooyinka Baladweye iyo Baydhabo oo xarumo u kala ah gobollada Bay iyo Bakool, sidoo kale waxay la wareegeen degmada Xudur ee gobolka Bakool inkastoo ay dib uga baxeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya