4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Munaasabad xalay loo sameeyay Xubnaha baarlamaanka (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Munaasabad casho sharaf ah oo qayb ka ahayd xiritaanka Kalfadhiga saddexaad ee golaha shacabka ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa loo sameeyay xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyadoo ay ka qaybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, golaha wasiirrada, xildhibaannada, taliyeyaasha ciidamada, howlwadeennada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.

Billowgii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay xildhibaanno ka sheekeeyay marxaladihii uu baarlamaanku soo maray intii lagu jiray kalfadhigii saddexaad, waxayna uga mahad-celiyeen gudoomiyaha baarlamaanka casho sharafta uu u sameeyay.

Wasiirka warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo wasiirada haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaguna khudbaddo kooban ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay xIldhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka waxayna ku boorriyeen xildhibaannada inay joogteeyaan la xisaabtanka xukuumadda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa mahad-celin iyo hambalyeyn u jeediyay baarlamaanka isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida uu baarlamaanku howlihiisa u wato, wuxuuna sidoo kale ka hadlay tallooyin ay xildhibaannadu soo jeediyeen oo u badnaa qorshaha xukuumadda, isagoo ka ballanqaaday goobta inuu ka dhabeyn doono qorshihii uu soo bandhigay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, garyaqaan Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo isaguna khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu riyaaqay sida tooska ah ee ay xildhibaannadu u kaftamayeen isla markaana ay isugu soo bandhigayeen dhaliillaha jira; iasgoo ku guubaabiyay xukuumadda iyo baarlamaankaba inay hirgeliyaan isla xisaabtanka ee ay ballan-qaadeen xukuumadda iyo baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna hadal ka jeediyay xiritaankii munaasabadda ayaa u mahad-celiyay dhammaan xildhibaannada, wuxuuna u rajeeyay muddada fasaxa ay ku jiraan inay si dhab ah u soo ogaadaan baahida ay qabaan shacabka ay metelaan ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi farxad iyo isku hambalyeyn, waxaa intii ay socotay suugaan wadani ah iyo majaajilooyin ka qosliyay dhammaan ka qeybgalayaasha kusoo bandhigay fanaaniinta hobollada Waaberi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya