4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
David Shinn oo Walaac Ka Muujiyay ku Biiridda Itoobiya ee AMISOM


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya, David Shinn ayaa walaac ka muujiyay in ciidanka Itoobiya ay ku biiraan xilligan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid khalad ah.

Danjire Shinn oo hadda ah macallin wax ka dhiga machadka daraasaadka caalamiga ah ee jaanacadda George Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu shaqsiyan aad uga walaacsan yahay tallaabadan la qaaday.

“Haddii ciidamada Itoobiya ay ku biireen AMISOM oo howlgalkood uu yahay gobollada ku teedsan soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya cid walba waa ogsoon tahay in ciidamadu ay markii ay doonaan soohdinta kasoo gudbaan iyagoo ku marmarsiinaya inay la dagaalamayaan Al-shabaab, cid walba oo ay u arkaan cadowgoodana ay beegsanayaan,” ayuu yiri David Shinn.

Ciidamada AMISOM waxay Al-shabaab ka saareen sannadihii lasoo dhaafay deegaanno badan oo ay ka mid tahay Muqdisho, balse kooxdu weli waxay gacanta ku haysaa deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

“Tallaabadan waa mid muujinaysa in ciidamada Itoobiya ay markii horeba ugu jireen Soomaaliya dantooda oo aysan caawinayn dowladda Soomaaliya. Balse qorshaha ay ugu biirtay AMISOM waxaan u maleynayaa inay xoojin u tahay faragelintii ciidan ee ay Itoobiya horayba ugu haysay Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Shinn.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay horay Soomaaliya ugula dagaalantay maxkamadihii Islaamka, iyadoo sidoo kale la og-yahay in xiriir wanaagsan uusan ka dhexeyn Soomaaliya iyo Itoobiya muddo sannado ah.

Danjire Shinn ayaa sheegay in go'aankan ay Itoobiya ay ugu mid noqotay AMISOM uu keeni karo inay Al-shabaab fursad u hesho inay qorato xoogag cusub uu ka caawiya dagaallada ay ka wadaana gudaha Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay inay caddahay inay Itoobiya ka faa'iidaysanayso ka mid noqoshada AMISOM, marka laga reebo magdhawga ay howlgalkan ku helayaan. balse afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiya ay ku dhaqmi doonaan shaciyada u degsan ciidanka Midowga Afrika.

Ugu dambeyn danjiruhu wuxuu wareysi uu siiyay VOA-da qaybta Ingiriiska uu ku sheegay in tallaabada ay u badan tahay inuu carqalad ku keeni karo soohdinta ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya oo ahayd mid wanaagsn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya