4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Ciidanka Itoobiya oo Maanta lagu Wareejiyay Amniga Saddex Gobol


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Ethiopia ayaa si rasmi ah maanta loogu wareejiyay amaanka gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kaddib xaflad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay sida uu sheegay Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay si rasmi ah ciidamada Ethiopia ula wareegeen sugida ammaanka gobolada Bay iyo Bakool lagana wareejiyay kuwii ka socday Uganda iyo Burundi oo horay ugu sugnaa degmada Baydhabo iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Bay.

“Ciidamadii Uganda iyo Burundi ee horay u joogay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Bay waa laga wareejiyay halkaas, waxaana lagu wareejiyay kuwa Itoobiya oo si rasmi ah uga mid noqoday AMISOM,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in go’aan ay Qaramada Midoobay gaartay loogu ogolaaday ciidamada Itoobiya inay si rasmi ah uga mid noqdaan kuwa Midowga Afirka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan, si howl-galka loo xoojiyo, sidaas ayayna uga mid noqdeen.

“Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo waa qaybta saddexaad ee howlgalka Midowga Afrika, qaybtaas ayaana wixii maanta ka dambeeya ka howlgalayaan ciidamada Itoobiya, kuwii horay ugu sugnaa gobolladaasna qaybo kale ayaa loo wareejinayaan si ay uga howl-galaan,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Itoobiya ay dhawaan ka qayb-qaadan doonaan howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta ku hayso.

“Ciidamada Itoobiya waxaa si rasmi ah maanta loogu xiray koofiyadda lagu yaqaan AMISOM ee cagaarka ah iyo calaamadda Midowga Afrika ee garabka lagu xirto. Dhammaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay hoos imaanayaan howlgalka AMISOM,” ayuu ku dara hadalkiisa.

Ugu dambeyn, afhayeenka Ciidamada AMISOM oo la weydiiyay sida ay u arkaan xasaasiyadda dhex-taalla ciidamada Itoobiya iyo Soomaaliyeed ee ah inay dagaallo horay ula galeen ayaa ku jawaabay in arrintaas ay meesheedii taallo, balse dowladda Itoobiya ay ogolaatay in ciidamadeedu ay ku si dhab ah ugu dhaqmaan sharciyada u yaalla howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya