4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Barkhad Cabdi oo ku farxsan inuu u sharaxan yahay billadda oskarka


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Barkhad Cabdi oo ah jilaa Soomaaliyeed kuna soo can-baxay filinkii  Captain Phillips oo ah filin ay duubtay shirkadda Hollywood-ka ayaa ka hadlay  dareenkiisa la xiriira inuu ka mid yahay aktarada sanadkan u sharaxan billadda Oskarka oo xafladeeda la qaban doono dhawaan.

Waraysi uu siiyay Barkhad mid ka mid ah wargaysyada ka hadla Aflaamta hirgalay ayuu ku sheegay in uu aad uga faraxsanyahay heerka maanta uu taaganyahay,waxaana  mar horeba uu ku sii guulaystay billado iyo abaal-marinno dhowr  ah oo ay kamid tahay Golden Globe.

“Cajiib oo kale ayey ila tahay ,maysan  ahayn wax aan filayay ,marka runtii waa la yaab ,in badan ayaana faraxsanahay,” ayuu yiri Jilaaga oo su’aaal laga weydiiyay sida uu arko arintan ,isaga oo ku hadlayay luuqadda Ingiriisiga.

Sidee ayey idin ku ahayd adiga iyo qoyskaaga inaad Soomaaliya ka soo carartaan  ugu danbaynna aad imaataan Minneapolis waliba aad soo martaan dalka Yemen?

“Sida runta ah aad bey u adkeyd,aniga Aabahay halkan ma joogin, laakiinse Hooyo ayaa ku sugnayd iyo qaar kamid ah qoyskayga ‘waxaa jiray waqti aan ku fakareynay inaan dhiman doonno, in badan ayaan hooyadey u mahad-celinayaa ,runtii waan guulaysannay”ayuu mar kale yiri ,isaga wariyaha u jawaabayay.

Ma doonayaan saaxiibada aad la matashay filinka Captain Phillips in aad la sii shaqayso si aad u sii waddo guulaha dhinaca filimaanta?

“Haa xaqiiqdii wey doonayaan arintaa maba ahan inaad is raaciso, waliba iyaga oo kaliya maahan ee waa aktarada halkan nala jooga oo dhan “ayuu ku jawaabay ,isagoo xusay inuusan in badan ka  marugoon doonin sawirka laga qaadan karayo filinkaas ee dhinaca Soomalida la xiriirta ,maadaama filinkaas uu ku saabsanaa Burcad badeedda Somaliya.

Hadda waxaad la shaqaysay mid kamid ah aktarrada Adduunka ugu waa weyn waana Tom Hanks ,ma jiraa aktar kale ama aktarad aad jeclaaan lahayd inaad mustaqbalka la shaqayso ?

“Oh runtii ma sugi karo in ay taas dhacdo ,waan rajaynayaa inaan in badan oo iyaga kamid ah la shaqeeyo waxeyna noqonaysa riyo rumodwday hadii ay taas suurtagasho  “ayuu tilmaamay Barkhad oo muddo gaaban gudaheed dunida oo dhan caan kaga noqday.

Ugu danbaynti Jilaagan Hollywood-ka tirsan  oo Soomaliya ku dhashay ayaa ka hor intii uusan iman dalka  Maraykanka ku sugnaa  todoba sano dalka Yemen oo ah halka ay kaga so dhoofeen USA ,waxaana warasyiga uu bixiyay uu sidoo kale kaga  hadlay sida uu uga xunyahay dagaalladii sokeeya ee dalkiisa ka dhacay,isaga oo sheegay in uu rajaynayo in  mar un uu dib ugu laaban doono Soomaaliya.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]