4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Xoghayaha guud ee Hay’adda NRC oo la kulmay Madaxweyne Xasan


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xoghayaha guud ee Hay’adda NRC Norwegian Refugee Council, Jan Egeland oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Xoghahaya guud ee hay'adda NRC waxaa ku wehliyay booqashadan, Magnhild Vasset oo ah agaasimaha mashaariicda caalamiga ah ee NRC iyo Xasan Kheyre oo ah madaxa Geeska Afrika ee hay’adda NRC.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad ku timaadeen Somalia iyo howlaha muhiimka ah ee aad u heysaan shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto dhanka waxbarashada, qaxootiga iyo mashaariicda kale ee aad ka fulisaan Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka.

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Waxaana idin ku boorrinayaa inaad kaalin weyn ka qaadataan barnaamijyada dowladda sida kan waxbarashada oo la doonayo in hal malyan oo carruur Soomaliyeed ah ay ku tagaan iskuulada, dib u soo celinta qaxootiga iyo sidii qaxootiga dalka gudihiisa ku barakacay loogu celin lahaa guryahooda oo ay u heli lahaayeen hoy tayo leh, caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqo.”

Xoghayaha guud ee NRC oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan dadaallada iyo kaalmada ay siiyaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, ujeeddadooduna tahay sidii caruurta, haweenka, waayeelka iyo shacabka ay u heli lahaayeen fursado geliya rajo sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen, isla markaana ay uga maarmi lahaayeen kaalmada uga yimaada dibadda.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay qani, ayna ka buuxan kheyraadyo fara badan oo marka dalku xasilo ay u heli doonaan Soomaalidu fursad ay kheyraadkooda kusoo saartaan, taasoo dalka u horseedaysa barwaaqo iyo baraare taam ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya